Ceergaabo(ANN)Madaxwaynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo  oo  saaka xili hore  ka baxay magaalada Burco oo ay xalay ku sugnaayeen ayaa galabta  gaadhay  Magaalada xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo. Kadib markii uu sii maray degmooyinka Gar adag, Ceel-afweyn iyo deegaanada kale

 

ee  gobolka Sanaaag, kuwaas oo dadweynaha ku dhaqani si balaadhan ugu soo dhoweeyeen. Madaxweyne  Axmed (Siilaanyo) ayaa u mahad naqay dadweynaha reer Ceerigaabo  iyo maamulka Gobolka Sanaag ee soo dhaweeyay.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka hor intii aanu gaadhin magaalada Cceergaabo, wuxuu  deegaamada uu siim maray ka jeediyay  khudbado  isugu jirta xogwaran, wax qabadka dawlada iyo u jeedda socdaalkiisa uu ku marayo gobolada bari ee dalka, wuxuuna  dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gar -Adag oo isugu soo baxay geedka caanka ah ee loo yaqano Geedka Gar Adag kala hadlay ujeedada safarkiisa.
“Dadwaynihiina sharafta leh ee halkan jooga ee reer Gar-adag aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, ma aha markii iigu horaysay ee aan Gar-adag imaado oo aan geedkan hoostiisa imaado, waxaan ku aqaanaa ddwaynaha reer  Gar- adag calaamad wayn oo ay marwalba wanaagooda ku muujiyan qaranimada, dadnimada iyo jacaylka ay u qabaan ummada iyo dalka Somaliland. Marwalba waxaan ku aqaanaa reer Gar-adag xamaasad badan, dad soo dhawayn wanaagsan aadna u dadaal badan, waxaan  qirayaa oo aanan ka been sheegaynin dawladihii hore ha noqoto,  ama taayadan maanta joogto ha noqoto inaad tihiin dad aad u dal iyo dawladba jecel”. Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horayn dadwaynaha reer Gar-adag uga mahd celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. 
“Waxaan idiin sheegayaa wax yar oo muddo sanad ah ayaanu dawlad ahayn, muddadaa yar waxaan isleeyahay  talaabooyin badan oo wax ku ool ah ayaad qaadeen, hadday tahay xaga shaqaalaha dawlada oo lacagtii loo kordhiyay iyo ciidamadaba, hadday tahay xagga Caafimaadka, waxbarshada talaabooyin badan ayaa la qaaday,”ayuu yidhi Madaxweynuhu
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay baahida inta baddan lagala hadlo marka uu gaadho deegaanka Sanaag, isagoo yidhi, “Xagga gobolka Sanaag marka aanu  nimaadno  caam ahaan waxa ugu badan ee lana waydiiyo ee marwalba lanagala hadlo waxay tahay wadadaa dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, mar walba marka aanu dunida meel tagno,  ama cidi noo timaado waxyaabaha ugu horeeya ee aanu marwalba kala hadalno waxaa ka mid ah wadadaa.”
“Balankii aanu qaadnayna maanaan ilaawin laakiin awood dhaqaale oo ay maanta dawladu wadadaa ku dhaqaajiso ma hayso, laakiin waa mid aanaan marnaba  dadaalkeeda u yaraysanayn baahiyo kalena dalka way ka jiraan, waxbaana laga qabanayaa, waxaan hubaa in laga dadaalay dhinacyada  waxbarshada, caafimaadka, biyaha intii itaalkayaga ah oo  aanu ka dadaalnay, laakiin muddadii aanu jirnay may badnayn marnaba ma ilaawayno codsiyada aad noo soo gudbisaan waana mid aanu la wada socono”. Ayuu yidhi madaxwayne Axmed  Siilaanyo.
Sidoo kale madaxwaynaha Jaamhuuriyada Somaliland iyo weftigiisu waxaa maanta duhurkii  si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Ceel Afwayn ee Gobolka Sanaag, wuxuuna  meel fagaare ah kala hadlay boqolaal ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Ceel-afwayn, isagoo  uga mahad celiyay dadwaynaha reer Ceel -Afwayn sida muga leh ee ay u soo dhaweeyeen weftigiisa, isla markaana wuxuu  war bixin ka siiyay  ujeedada socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay mid uu ugu kuur gelayo xaalada guud ee dalka.
Madaxweyne  Siilaanyo waxaa uu sheegay in baahiyaha ugu daran ee degmada Ceel -afwayn ay ka mid ahayd biyo la’aanta, wuxuuna carabka ku dhiftay inay dawlada Imaaraadka Carabta kala hadleen sidii gobolada dalka Somaliland looga qodi lahaa ceelal badan.

Weftiga Madaxweynaha oo ku guda jira booqasho maalintii afraad ay ku marayaan gobolada bariga Somaliland waxa xubno ka ah marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirro, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha  Baarlamaanka Somaliland. waxaana la filayaa  inay booqdaan deegaamada kale ee gobolka Sanaag,  isla markaana uu kala  hadlo  fagaare dadweynaha magaalada Ceergaabo.
Dhinaca kale Maamulka Garoowe ee Puntland ayaa canbaareeyay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee fadhiisinka hore ee  ciidanka duleedka Garoowe uu ku tegey doraad, taas oo ay ku andacoodeen inay tahay faragelin lagu sameeyay deegaanka Sool ee ay sheegtaan. Iyadoo booqashada Madaxweynaha Somaliland cabsi ku abuurtay maamulkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *