Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa  digniin kama danbays ah u jeediyay 16 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo qayb ka ahaa xildhibaanadii doorashadii 2005 uga soo baxay xisbiga UCID, balse ku biiray Urur siyaasadeed cusub

 

oo gudoomiyaha wakiilada Somaliland kaga dhawaaqay Khamiistii todobaadkii hore magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha Ucid waxa xildhibaanadaa oo kasoo jeeday xisbigiisa ugu baaqay inay si rasmi ah u cadeeyaan inay ka baxeen xisbigoodii iyo in kale, isagoo ku hanjabay inay keeni doonaan bedelkoodii haddii ay ku dhawaaqaan inay ka baxeen UCID.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa  ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray caawa oo  u qornaa sidan:-
1.       Bashiir X.Xusein Tukaale
2.       Xaashi Xusien Caabi    
3.       Xusien Maxamed Cige   
4.       Ibraahim Mahadi Buuba       
5.       C/Qaadir Askar Hassan     
6.       Mahdi C/Laahi Maxamoud     
7.       Maxamed Baaruud Shide     
8.       faarax Maxmoud Cabdule     
9.       Saciid Maxamed Cilmi      
10.    Maxamed Faarax Qabile       
11.    Muuse Maxamed Ismail    
12.    Maxamed Jamac Cali Guled     
13.    Jamac  Xasan Adan   
14.    Naasir X.Cali Shire   
15.    A/Laahi Axmed  Yousuf     
16.    Abdirahmaan Cismaan Caalin
Anagoo tixraacayna dhawaaqii ka soo yeedhay Gudoomiyaha  Golaha Wakiilada Mudane:Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro) 06/10/11 kaas oo uu kaga dhawaaqay magacyadiina Hotel mansoor isagoo sheegaya in aad ka baxdeen  xisbigii UCID ee  aad ku matalayseen magaciisa Golaha wakiilada kuna biirteen urur aan jirin, wakiilana  aan ku lahayn Golaha wakiilada.
Sidaa daraadeed  mudanayaal: waxaanu si sharaf le idiinka codsanaynaa in aad si rasmi ah u soo cadaysid arrintaas si aan u soo bedalalno jagooyinkaas  ama aad  beenisaan arrinkaas si  rasmi ah ugu dambayn bishan 13 october 2011.”
Hadalka gudoomiyaha UCID ayaa daba socday qoraal xalay kasoo baxay xisbiga oo sheegayay in gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro ee ku dhawaaqay urur siyaasadeedka cusub todobaadkan uu baneeyo xubnimadii golaha, maadaama sida lagu sheegay warsaxaafadeedkaa uu furtay Urur cusub. Sidaa awgeed  xisbiga UCID  ee uu ku fadhiyey golaha wakiilada, isla markaana uu  ku ahaa  gudoomiyaha  iska casilay,  isagoo jabiyey  distoorka , xeerka xisbiga iyo xeerka nidaamka ururada iyo  axsaabta ee Xeer No:14/ waxa uu xisbigu go’aansaday in uu ka aqbalo is casiladiisaa soona buuxsado xubinimadaas sida sharcigu dhigayo ayaa lagu yidhi qoraalka hore.
Dhinaca kale xildhibaanada golaha wakiilada ayaa mudooyinkan u danbeeyay ku mashquulsanaa siyaasadaha Ururo cusub iyo abaabulo hor leh, taas oo sababtay in fadhiyadii golaha wakiilada u baaqdaan kooram la’aan markii ay kasoo xaadiriwaayeen mudanayaashu fadhiyada golahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *