Raiisalwasaarihii hore ee UkrainUkraine (ANN) Haweenaydii Raysalwasaare  ka ahayd Dalka Ukraine Raiisalwasaarihii Mrs Yulia Tymoshenko ayaa lasoo taagay Maxkamad  ku taala dalkaa, waxaana lagu xukumay toddobo sano oo xadhig ah.  ka dib markii lagu eedeeyay inay gashay mudadii ay dalkaa ka talinaysay ku tagrifal

awoodeed, isla markaana garsooraha dacwada qaaday uu sheegay  inuu  ku helay danbi ah inay  Yulia Tymoshenko ay awoodeedii raiisalwasaarenimo ay ka gudubtay markii ay heshiis  dhinaca gaasta ah ay u saxeexday shirkad dhinaca gaasta ah oo laga leeyahay  dalka Ruushka sanadkii 2009kii.
Garsooraha ayaa sheegay inay Mrs Tymoshenko ay sharciga jabisay, isla markaana  ay waddanka Ukraine talaabada ay qaaday usoo jiiday khasaare dhinaca maaliyada ah oo lagu qiyaasay  lacag ku dhow laba boqol oo milyan oo Dollar.
Markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda ee xukunka lagu dhawaaqay Waxaa jiray rabshado ka dhashay maxkamada agteeda oo dhaxmaray  boliiska iyo taageerayaasha Yulia Tymoshenko.
Yulia Tymoshenko ayaa sheegtay inay is difaaci doonto wax walba oo ka soo baxagoaanka maxkamada

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *