Hargeysa(ANN)Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo UDUB, ayaa si gooni-gooni ah u shaaciyey waqtiga ay qabsoomayaan shirweyneyaashoodii 3aad iyo 2aad oo dhawr jeer dib uga dhacay xilliyadoodii. Warsaxaafaeed uu soo saaray Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe
shalay, waxa uu ku sheegay in shirweynihii saddexaad ee xisbigiisu qabsoomi doono 7da bisha December ee sannadkan 2011.
“Annagoo tixraacayna xeerka xisbiga UCID qodobkiisa 10aad, farqaddiisa 2aad oo tilmaamaysa in 5 sannadoodba mar la qabto shirwaynaha xisbiga .
Waxa maanta [shalay] shir ay yeesheen hoggaanka xisbigu isku raaceen in la qabto shirwaynahii 3aad ee xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID taariikhdu markay tahay 07 December 2011.
Sidaa daraadeed, iyadoo la tixraacayo qodobka 18aad ee xeerka xisbiga waxa si dhakhso ah loo magacaabi doonaa guddidii qabanqaabada shirwaynaha inta ka horreysa dhamaadka bisha November,” ayuu Eng. Faysal Cali-waraabe ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.
Sidoo kale, xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ayaa isaguna ku dhawaaqay shalay in shirweynihii 2aad ee xisbiga la qaban doono 31-ka bishan October 2011 oo ku beegsan Axadda toddobaadka soo socda.
“Guddiga qabanqaabada xuska toban-guurada iyo kalfadhiga labaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB waxay ku wargelinayaan dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee UDUB iyo marti-sharafta lagu soo casuumay inuu shirku ku qabsoomi doono EGAL CONVENTION CENTRE (Crown Hotel), 31 October, 2011, 7.30 AM subaxnimo.
Waxa la idinka codsanayaa inaad wakhtiga dhawrtaan idinkoo mahadsan.” Sidaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada shirweynaha xisbiga UDUB Muj. Rashid Xaaji Cabdilahi Guleed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *