Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay xuska sanadguurada 19-aad ee aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd maanta oo taariikhdu ahayd 2 Feb 2013, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku

 

gudoonsiiyay Derejooyin 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta qaybood  ee Ciidaamada qaranka Somaliland,  Booliska, Asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

Munaasibad balaadhan oo lagu maamusay derejooyinka ciidamada Somaliland, ayaa lagu qabtay Taliska Guud ee qaybta ciidanka qaranka Somaliland, waxaana

ka qaybgalay Madaxweynaha, Madaxweyne xigeenka, masuuliyiinta xukuumadda, golayaasha qaranka iyo marti sharaf kale.
IMG_0044.JPG
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku taxay saraakiishaa derejooyinka, taas oo noqotay markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii ee ay ciidamada Somaliland ee kala duwan yeeshaan derejooyin, iyadoo ay xukuumaddihii hore marar badan balan qaadeen, balse ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dhabaysay qorshaha derejooyinka. kadib markii gudi saraakiil iyo masuuliyiin kale oo madaxweynuhu u saaray 2010 hawsheeda wadeen.

Saraakliisha derejooyinka la siiyay ayaa kala ah sidan;-
1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay Derejada sareeye Gaas.
2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada sareeye Guuto.

3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto.
4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.
5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.
IMG_0178.JPGIMG_0184.JPG
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaada ayaa sheegay inuu illaahay ugu mahad-naqayo in xukuumadiisu noqoto tii ugu horaysay Somaliland ee bixisa derejooyinka ciidamada oo sida uu sheegay uu hore u balanqaaday hirgelintooda xiligii lagu jiray Ololihii doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu tilmaamay ciidamadu inay yihiin tiir dhexaadka uu qaran leeyahay, loona baahan yahay in mar kasta ay dhiirrigelin ka helaan dawlad iyo shacabba, isla markaana wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay inay bixiyaan darajooyinkii ciidammadda qaranka oo ay fuliyaan balan qaadkii xukuumaddaiisa, isagoo dhi “Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidammadda Qaranka ee mar walba heeganka u ah difaaca qarankeenna iyo midnimadda Ummadda. Waxa farxad ii ah inay dawladeena u suurto gashay labaatan sano ka dib inaanu sugno darajooyinka ciidammadda sidii aan u balan qaaday wakhtigii doorashadda inaanu maanta fulinay.”
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13c9a552a353a43f&attid=0.21&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1359822230160&sads=91RlBn-IDeQnTEFTFRZo7Qw_ajUIMG_0022.JPG

Madaxweynaha Somaliland, isagoo ka hadlaya doorka ciidanka qaranka wuxuu yidhi,  “Waxa kale oo aan halkan jecelahay inaan uga mahad celiyo Gudidii darajo bixinta ee hawlahan soo diyaarisay. Waxa faan inoo ah qaran ahaan iyo ummad ahaan inaan halkan u joogno sanag guuradii 19-aad ee aasaaska ciidanka qaranka, kuwaasi oo ah kuwa aynu ku faano dalkeena iyo nabad-gelyadda dalkeena ilaaliya ee magaciisa iyo karaamadiisa dhawra.”
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland u mahad celiyay Taliyeyaashii hore ee ciidammadda qaranka oo uu ku ammaanay heerkii ay soo gaadhsiiyeen ciidanka qaranka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *