Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaalada xarunta gobolka Togdheer ee magaalada  Burco kala hadlay fagaaraha khayriyada. Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) ayaa

ka khudbadiisa  kaga  hadlay warbixin la xidhiidha socdaalkiisa iyo waxyaabihii xukuumadiisu qabatay mudadii ay jirtay, isagoo yidhi,    “Walaalayaal dadweynaha reer Burco ee Gobolka Togdheer waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen Aniga (Madaxweynaha) iyo weftiga balaadhan ee qaranka waxaan ogahay  inaad saaka oo dhan aad milic taagnaydeen taasina waxa weeye jacaylka aad u qabtaan dawladnimada iyo qaranimada. Walaalayaal waxaanu wax ka qabanay waxyaabo badan muddadii koobnayd ee aanu xilka haynay haddii ay tahay  mushahar kordhintii  Ciidamada, shaqaalaha iyo dhinaca waxbarashada.”


“Walaalayaal si aanu Ciidamadda u dhiiri gelino waxa aanu booqanay Gobolka Sool oo aad iyo aad  naloogu soo dhaweeyay, farxad weyna way noo ahayd inaanu ciidamada qaranka  ee jiida hore ee wadanka daafaca booqano oo u mahad naqno oo aanu tusno  si aanu u dhiiri gelino,”ayuu yidhi Axmed Siilanyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay dalka intiisa badan kormeer ku soo mareen qeybaha u hadhsana ay booqan doonaan,  wuxuuna ugu bushaareeyay kumanaan qof oo dhegaysanayay  waxyaabaha ay xukuumaddiisu doonay inay ka filyaan  gobolka Togdheer  iyo mashaariicda u qorshaysan, kuwaas oo uu qaarkood carabka ku dhiftay, wuxuuna isagoo tilmaamaya mashaaraciidaa yidhi,  “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.”

“Wadadda u dhaxaysa Burco iyo Hargeysa dhismaheeda  balan qaad baanu ka samaynay weftigii balaadhnaa ee ka socday Gudidii horumarinta Gobolka Togdheer ee Hargeysa noogu yimid ayaanu ka wada hadalay. Wadaddaasi oo aanu imikana soo aragnay inshaalaahu tacaalaa miisaaniyada soo socota ayaanu qeybo  ka mid ah ku dari doonaa anagoo hubna in meel kasta ha joogeene’e dadweynaha gobolka Togdheer  ee reer Somaliland ay iyaguna gacan ka geysan doonaan mar walbana horumarinta gacan ka geystaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Gobolka Togdheer ugu baaqay  inay ilaaliyaan wad jirkooda, midnimadooda,  isla markaana ay ilaalinta nabadgelyada iska xil saaraan.


Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo  hadal kooban ka jeediayay halkaa ayaa shacbiga gobolka Togdheer ku ammaanay kaalintii ay ka geysteen isbedelkii dalka ka dhacay oo uu ku sifeeyay inay ka qaateen door horseednimo.
Muuse Biixi waxa uu sheegay in Magaalada Burco ay baal dahabiya kaga jirto sooyaalka taariikheed ee  qaranimada Somaliland iyo halgankii lagu xoreeyay dalka. sidaa awgeed ay shacbiga Togdheer mar walba yihiin kuwo door mihiim ah ka qaata horumarka iyo dib u dhiska dalka oo ay wax baddan qabsadeen, xukuumadduna diyaar u tahay inay wax la qabato.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, Wasiirka xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali Iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed  Cabdi.
Weftiga Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray laba wado oo cusub oo ay dawlada hoose ee Burco ka hirgeliyeen magaalada iyo dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay  wakaalada biyaha Burco.


Sidoo  kale waxa  uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray  xarunta  jimciyada mujaahidiinta ee Burco iyo Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, isagoo  xog waran ku saabsan xaalada cusbitaalka  ka dhegaystay maamulka cisbitaalka iyo bukaanka  jiifka.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdiiga ayaa la filayay inay galabta u boqoolaan dhinaca magaalada hargeysa oo soo geba-gebeeyaan socdaalkooda, balse warar iyo tibaaxo ay heshay Araweelonews ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo u jihaynayo socdaalkiisa shaqo dhinaca Gobolka Sanaag oo uu safar ugu baxayo saacadaha soo socda, waxaana warar ka imanaya deegaanada gobolka Sanaag sheegayaan inuu jiro diyaar garaw iyo dhaqdhaqaaq la xidhiidha soo dhowaynta Madaxweynaha, balse xaalada iyo duruurfa yaala gobolkaa ayaa ka duwan deegaanada uu booqday Madaxweynuhu, iyadoo aan gebi ahaanba isbedelkii ka dhacay dalka ee uu xukunka kula wareegay Madaxweyne Siilaanyo wax saamayn ah ku yeelaan duruufaha maamul iyo mushkiladaha ku xeeran gobolkaa oo xataa aan maamulkiisa wax isbedel ah lagu samayn. Waxaana la filayaa inuu madaxweyne Siilaanyo waajaho wadada dhibka baddan ee loo maro gobolkaa, taas oo ku jirtay balanqaadyadii xiligii ololaha doorashada, balse aan dib loo soo hadal qaadin iyo sidoo kale inuu wax ka qabanayo duruufaha siyaasadeed, kuwa dhaqaalle  iyo kuwo nabadgelyo ee ka jira halkaa oo aan waxba iska bedelin. Sidaa awgeed aanay dadka gobolka sanaag oo gobol ahaan ay ilaabeen xukuumaddihii soo maray Somaliland ay adagtahay inay mar kale dhegeystaan   balanqaadyo danbe  oo lagu ilaabo Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *