Ceergaabo(ANN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Ceergaabo saaka  khudbad ugu  jeediyay boqolaal ka mid ah shacbi weynaha magaalada Ceerigaabo. Kadib markii uu dhismayaal Hay’addaha dawladda qaarkood oo laga hirgeliyay

 

halkaa xadhiga ka jaray. Madaxweyne Siilaanyo ayaa uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen bulshada magaalada Ceergaabo.
Madaxwayne Siilaanyo  warbixiyay waxqabadyada kala duwan ee xukuumada uu hogaamiyo ay ku talaabsatay muddadii koobnayd ee ay talada dalka haysay, isagoo dhinaca kalena  balan qaaday in aanu waxba ka hagranaynin waxka qabashada jidka isku xidha gobolka Sanaag iyo Togdheer.  Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Walaalayaal waxaa in badan laga hadlay oo aanu ognahay oo xanuun daran ku haysa, in badana ku haysay ilaa weligeedna ku haysay  wadadaa dheer  ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, runta marka aynu ka hadalno wadadaasi anagaba waxay nagu hasyaa oo aanu ognahay wakhtigii aanu mucaaridka ahayn ama ummada reer Somaliland caam ahaan niyada ay u hayaan iyo qiimaha ay wadadaasi leedahay.”
“Wax alla waxaanu kala hadhaynaa ma jirto laakiin wadadaasi waa jid dheer oo waa jid lacag badani  ku baxayso oo lacagta ku baxaysaa ma aha hadaynu runta ka hadalno  wax sanad iyo laba midna lacagteeda haddii miisaaniyada dawlada  lagu daro, ay dawladu keligeed bixin karayso ma aha,” Ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.


Madaxwayne Axmed Siilaanyo  waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladu diyaar u tahay wax ka qabashada wadadaasi, shacbiga gobolka Sanaag iyo shacbi waynaha kale ee Somaliland-na ay ku guubaabinayaan in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi  waxaanu yidhi “Waxay dawladu diyaar u tahay  oo aanu marwalba heegan u nahay,
1-       In aanu ka qayb qaadano itaalkayagu inta uu yahay oo aanu ka goyno miisaaniyada dawlada wixii nagaga soo beegma.
2         – in aanu shacbiga  reer sanaag  ku guubaabino  iyo shacbi waynaha kale ee reer Somaliland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi,
3         Waxaa kale oo aanu dawlad kasta iyo meel kasta oo aanu tagno oo caalamka ka mid ah oo aynu doonayno in  ay wax nagala qabtaan horumarinta dalkeena  waxa aanu had iyo jeer u qadinaa  mashruuca wadadaa isku xidha  Sanaag iyo Togdheer”.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre,  maayarka magaalada Ceerigaabo  ismaaciil xaaji Nuur oo iyaguna halkaasi ka hadlay  ayaa si wada jir ah u sheegay  in shacbiga gobolka sanaag ay taageero balaadhan u hayaan  xukuumada Somaliland kana filayaan wax qabad.
Waxaanay madaxwaynaha ka codsadeen sidii  ay xukuumadu  wax uga qaban lahayd wado xumada haysata gobolka Sanaag, oo ay sheegeen inay dhibaato badani ka haysato isku socodka gaadiidka iyo dadkaba.


Dhinaca kale Muj-Maxamed Kaahin oo halkaa ka hadlay ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ku dhawaaqo dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco sidoo kalena bulshada Sanaag hadallo canaan iyo dhiiriigelin ah usoo jeediyey.
Muj. Maxamed Kaahin, waxa uu yidhi,  “Waxaan ka hadlayaa laba arrimood oo maayorka Ceerigaabo iyo bulshada kaleba ka dhawaajiyeen oo ah nabadgelyada iyo horumarka iyo waddada Burco iyo Ceerigaabo isku xidha anigoo nabadgelyada ku horraynaya waxaan leeyahay taariikh wanaagsan ayaa reer Sanaagow ilaa isticmaarkii ilaa nabadayntii beelaha Somaliland iyo shirarkii afar-beeloodka ahaaba ku leedihiin haseyeeshee su’aashu waxa weeye nabadgelyadii yaa jebiyey waa reer Sanaag iyo qabyaalad iyo habeenkii oo aad darista isugu soo faqdaan oo yara maakhiraysaan”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay “Waxaan leeyahay xilka nabadgelyadu wuxuu saaran yahay madax-dhaqameedyada iyo bulshada Sanaag xukuumadduna waxbay idinkala qabanaysaa. ciidammada aad beelaha ku kala haysataanna kusoo wareejiya labadii taliye-ciidan maanta waa kuwane”.

Mar uu kadlayay dhinaca horumarka, waxa uu  yidhi “Dhinaca horumarka iyo waddada waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne reer Ceerigaabo kula hadle adiguna xogogaal baad u tahay waddaduna way bilaabantay oo waataas laynoo sheegay in hablaha reer Sanaag lacag u ururiyeene adiguna waxba ha ka baqane u badheedh oo ku dhawaaq reer sanaagna way kuula badheedhayaan”.
Muj. Maxamed Kaahin, isagoo  bulshada iyo qurba-joogta Sanaag la hadlaya  wuxu yidhi, “Reer Sanaagow idinka iyo qurba-joogtiinnaan la hadlayaaye waxad ogaataan inaan cidna la horamarin haddii aanay iyagu is hora marine sida gobollada kale ee dalka guddiyada samafalka iyo qurba-joogta u leeyihiin ee wax uga qabsadeen waddooyinka iyo dhinacyada kaleba idinkuna gudaha iyo debeddaba isku xidhnaada oo wax wada qabsada xukuumad ahaanna wax bay idin kala qabanaysaa”.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo galabta kulamo la yeeshay  Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ceergaabo ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah soo geba-gebeeyo booqashadiisa, iyadoo  wararka la xidhiidha socdaalka madaxweynuhu sheegayaan inuu diyaarad kasoo raaci doono halkaa si uu ugu soo laabto Hargeysa.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *