-
Published On: Thu, Oct 13th, 2011

Madaxtooyada Oo Sharaxaad Ka Bixisay Waxyaabaha Kasoo Baxay Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Bari Ee Somaliland Iyo Duruufaha Yaala

Smiley face
Share This
Tags

IMG_8715Hargeysa(ANN)Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayey oo safar shan maalmood qaatay ku soo maray gobollada iyo deegaannada bariga Somaliland, ayaa ku soo laabtay shalay caasimadda Hargeysa, iyadoo madaxtooyaduna faahfaahin ka

 

bixisay duruufaha weftiga madaxweynuhu kala kulmeen booqashadaas iyo guulaha ka dhashay safarkaooda gobollada bari.
Md. Siilaanyo iyo weftigiisa oo diyaarad khaas ah ka soo raacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa Madaarka Egal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Mdaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, wasiirro tiro badan, masuuliyiin iyo dadweyne aad u badan, waxaannu Madaxweynuhu halkaas salaan-sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka, kadibna waxa uu toos u tegay xarunta Madaxtooyada isagoo aan saxaafadda la hadlin.


Haseyeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddooyinkii ugu muhiimsanaa safarka madaxweynuhu xambaarsanaa, guulaha ka dhashay socdaalkaas iyo duruufaha weftigu kala soo kulmeen degaannada goboollada bariga ee uu booqashada ku tegay.
“Safarkan waxaannu ku soo marnay gobollo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar, waxaanuna safarkani ku xidhiidhsan yahay safraradii hore ee madaxweynuhu ku soo maray gobollada galbeedka, isku ujeeddana way ahaayeen, waxana weeye waxa madaxweynuhu doonayey inuu xogogaal u noqdo oo indhihiisa ku soo arko xaaladda dhabta ee ka jirta deegaannada uu soo maray.
Ujeeddada labaad ee safarka madaxweynuhu waxay ahayd inuu dhegaysto shacbiga, masuuliyiinta, madaxda iyo waxgaradka degaannada uu soo maray waxa ay qabaan taladooda iyo baahidoodaba. Ujeeddada saddexaad iyaduna waxay ahayd madaxweynuhu inuu dalka oo dhan wada maro oo uu xaaladooda ka wardoono, maadaama intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyada aannu ku noqon gobolladaas oo uu dalkoo dhan uga mahadnaqo taageeradii ay siiyeen.

Waxa kale oo intaa dheer, uguna muhiimsanayd in madaxweynuhu booqdo ciidammada qaranka ee jiidaha hore fadhiya, ciidammadana uu uga mahadnaqo doorka muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Cukuse oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddooyinka safarkii madaxweynuhu ku tagay deegaannada bariga Somaliland.

Afhayeenka oo la weydiiyey waxayaabaha weftiga madaxweynaha uga soo baxay socdaalkaas iyo duruufaha ay kala kulmeen degaannada ay kormeerka ku soo mareen, waxa uu ku jawaabay; “Intii aannu socdaalka ku jirnay waxa noo soo baxay in shacbigu muujiyeen dareen la yaab leh oo ah mid ay ku taageersan yihiin jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee horumar-doonka ah, xukuumadoodana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin. Waxa kaloo safarkan nooga soo baxay in shacbigu ka hadlayeen dareen isku mid ah oo ah in xukuumadda iyo dadweynaha ku dhaqan degaannada barigu kala xidhiidh furteen oo wada xidhiidhkoodu aannu waanagsanayn 20kii sanno ee Somaliland jirtay, isla markaana madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda cusubi iyada oo sannad iyo dheeraad jirtay ay u tagtay dadka degaannada bariga oo baahiyahooda Madaxweynuhu dhegaysatay. Arrintaasna madaxweynaha iyo xukuumaddaba way uga mahadnaqeen, kuna hambalyeeyeen, iyada oo iminka xidhiidhkii dadweynaha iyo xukuumaddu meel fiican marayo.


Sidoo kale, waxa safarkan nooga soo baxay in baahiyaha kala duwan ee dalka ka jiraa ay siman yihiin oo isku mid yihiin min bari ilaa galbeed, baahiyahaas oo ugu wayn tahay baahi biyood iyo duruufo kaloo jira oo ay wadaagaan deegannada dalka oo dhan bari ilaa galbeed. Waxa kaloo aannu soo aragnay in dadweynaha gobolkada barigu u jeellan yihiin xidhiidh adag oo ay la yeeshaan xukuumadda dhexe.
Waxaannu aragnay in saamaynta abaarta iyo biyo la’aantu ku leedahay gobollada barigu ka badan tahay ta ay ku leedahay dhinaca galbeedka, waxaanunau maraynay dhul xilliyadan oo kale la mari jiray iyadoo xooluhu bacadka wadhan yihiin oo xoolo tiro badan joogeen.
Waxa kale oo jirtay in markii aannu tagnay Laascaanood ay jirtay abaar dhulku qiiqayey, markii madaxweynuhu u baxay ayuuna roobkii u horreeyey ku da’ay. Magaalada Beer ilaa meesha la yidhaa Daadmadheed ilaa degaanka Gambadha oo aannu istaagnayna xareeda ayaa dhulka wadhnayd, waxayna shacbigu sheegeen inay roob u jeellanaayeen, isla markaana socdaalkii madaxweynaha iyo roobkuna is qaabileen.
Sidoo kale markii aannu magaalada Ceel-afwayn tagnay dadku waxay ka cabanayeen biyo la’aan, madaxweynahana waxay ka codsadeen inuu roob ugu duceeyo, markaa daruur ayaa na dul-joogtay, madaxweynuhuna wuxuu ugu duceeyey in daruurtaas dul-joogtaa ay u da’do, annagoon magaaladii ka bixinna daruurtii way hoortay, Ilaahay baana ducadii madaxweynaha aqbalay, shacbiguna roobkaas wuu u baahnaa.”
Mr. Cabdillaahi Cukuse oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxyaabaha madaxweynaha iyo weftigiisu kala soo guryo noqdeen booqashadii ay ku tageen gobollada bariga iyo balanqaadyadii uu u sameeyey baahiyaha kala duwan ee loo bandhigay intii uu safarka ku jiray, waxa uu yidhi; “Horta marka dhinaca guusha la eego, waxa Ilaahay mahaddii ah in madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbigu is ogyihiin, waanna guusha ugu weyn ee ka soo hoyatay safarkii madaxweynaha. Guusha labaadna waxa weeye in shacbiga iyo xukuumaddu is-laab-xaadheen oo isu niyadsan yihiin, iyada oo marka horeba aanay balaayo jirin, iyaga oo dadweynuhu dareemay in madaxweynuhu mar walba diyaar u yahay inuu ka agdhawaado oo xaaladooda iyo duruuftoodaba ogaado.

Ta kalena waxa weeye markasta oo madaxweynuhu ka hadlayey baahiyaha loo soo gudbiyey. Muu odhanayn waannu idiin ballanqaadaynaa in aannu wax ka qabano, balse wuxuu markasta ka hadlayey oo uu ballanqaaday wixii ay xukuumad ahaan qaban karaan, waxyaabaha u baahan in wax ka qabadkoodu muddo qaadanayo iyo waxyaabaha u baahan in dawlad iyo shacbiga oo iskaashaday wax ka qaban karaan. Dardaaranka madaxweynaha ee ugu weyn wuxuu ahaa in dawlad iyo shacbiba lagu shaqeeyo waxa aynu go’aansannay oo ah jiritaanka iyo qarannimada Somaliland iyo sidii dawlad iyo shacbiga gamcaha la isu qabsan lahaa.
Waxa kaloo guulaha safarkan ka dhashay ka mid ah in weftiga madaxweynuhu qayb ka qaatay sidii loo afjari lahaa xurgufo u dhexeeyey beelo wada degan Gobolka Sanaag. Waxa la sameeyey inay dawladda iyo shacbiga reer Ceerigaabo isu soo dhawaadaan oo si fiican isaga war hayaan, iyada oo si diirran weftiga madaxweynaha loogu soo dhaweeyey Ceerigaabo.”
Waxa kaloo Afhayeenka Madaxtooyada la weydiiyey in madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka gobollada Sool iyo Sanaag/bari ay xukuumadda ka dalbadeen sidii wax looga qaban lahaa farogelinta maamulka Puntland ku hayo degaanno ka tirsan gobolladaas, gaar ahaan bariga Sanaag, waxa uu ku jawaabay; “Horta wax muran ah oo la xidhiidha deegaannada barigu ma dhex ool weftiga madaxweynaha iyo waxgaradka aannu kula kulannay deegaannada aannu marnay, laakiin waxa jirtay in qaybo shacbiga ka mid ah tabashooyin qabi karaan, waxana la isla gartay in baahida loo qabo horumarka Sool iyo Sanaag ay tahay inaan la dhegaysan qof ama shakhsi doonaya in baahiyada ubadka waxbarashada u baahan loogu beddelo rabshado iyo qalalaase, waxayna shacbigu xukuumadda ku dhiirrigelinayeen inay ula timaad dedaal, horumar iyo waxqabad intan ka badan, waxayna xukuumaddu dadka ku dhiirrigelinaysay inay iska qabtaan qofka aan la duruufta ahayn ee rabshad-doonka ah.”
“Horta Gobolka Saaxil lagama dul-boodin oo madaxweynuhu tiraba laba jeer buu booqasho ku tagay Saaxil, weliba Gobolka Saaxil waxa uu ahaa gobolkii ugu horreeyey ee madaxweynuhu tago intii uu xafiiska joogay, ujeeddo Gobolka Saaxil loo mari waayeyna may jirin oo madaxweynuhu safarkiisii ugu horreeyey ee uu gobollada dalka ugu baxo ayuu ku tagay Saaxil oo xtaa wuxuu ka horreeyey kormeerkii madaxweynuhu ku soo maray gobollada galbeedka. Markaa maadaama madaxweynuhu shan maalmood xafiiska ka maqnaa oo uu gobollada bariga joogay, wuxuu u soo noqday si uu u buuxiyo shaqooyinkii ka baabqday muddadii uu maqnaa, Gobolka Saaxilna hore ayuu madaxweynuhu u tegay, iminkana waa loo maqan yahay oo wuu tagi doonaa,” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la weydiiyey sababta madaxweynuhu u garab maray Gobolka Saaxil ee looga reebay booqashada ay ku tageen gobollada bariga Somaliland.
xigasho jamhuuriya
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>