http://jamhuuriyamedia.com/wp-content/uploads/2014/01/Md.-Siilaanyo.jpgHargeysa(Arraweelo News)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray xeer lagu aasaasaay, laguna dhaqangeliyey Guddida Hoggaaminta

 

Diwaangelinta muwaadiniinta (Civic Registration) iyo guddi-hawleed (Task Force) ka shaqayn doona sidii dalka looga samayn lahaa diwaangelinta dadweynaha oo laga soo dhexsaari doono codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland maanta, waxa madaxweynuhu soo saaray, isla markaana dhaqangeliyey xeer ka kooban 8 qoddob oo toddoba wasiir oo xukuumada ka tirsan loogu xilsaaray inay noqdaan guddida hoggaaminta diwaangelinta dadweynaha, iyadoo sidoo kale madaxweynuhu xeerkaas ku caddeeyey in diwaangelinta madaniga ah fuddudayn doonto diyaarinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2296/032014, ku dhaqangeliyey xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.

Madaxweynuhu markuu arkay qoddobka 90aad iyo qoddobka 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu arkay qoddobka 3aad ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer Lr. 22/2002 oo waajibinaya in muwaadiniintu helaan aqoonsiga muwaadinimo.

Markuu tixgeliyey siyaasadda Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee ay ku go’aamiyeen in la sameeyo Diiwaangelinta muwaadinka. Markuu arkay baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo dalka oo dhan si loo helo xog sugan.

Markuu yaqiinsaday in diiwaangelinta muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay, isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah. Markuu xaqiiqsaday in ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay coddeeyaan muwaadiniinta oo keliya. Markuu garwaaqsaday in la dardar-geliyo, loona qabto hawsha Diiwaangelinta Muwaadinka si dhaqso ah.

Isagoo maanka ku haya ahmiyadda doorashooyinku ku leeyihiin qaranka iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah. Wuxuu halkan ku soo saaray xeerkan;

Qoddobka 1aad

Aasaaska Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Waxaa Xeerkan lagu aasaasay Guddiyada soo socda:

Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka (Steering Committee) oo ka kooban:

1.  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye.

2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, xubin.

3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, xubin.

4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, xubin.

5. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, xubin.

6.  Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, xubin.

7. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, xubin.

Qoddobka 2aad

Ujeeddada Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Ujeeddada Guddida Hogaamintu waa hoggaaminta iyo ka midho-dhalinta habka diiwaangelinta muwaadinka.

Qoddobka 3aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Xilka iyo waajibaadka Guddida Hogaamintu waa:

1.      Dejinta iyo xaqiijinta qorshayaasha Diiwaangelinta Muwaadinka.

2.      Ansixinta qorshaha diiwaangelinta.

3.      Hagidda iyo dabagalka guddi-hawleedka lagu aasaasay Qoddobka 1aad ee Xeerkan.

4.     Ka-talo bixinta caqabadaha laga yaabo in ay soo food-saarto hawsha diiwaangelinta.

5.      Ka-talo bixinta soo saarista xeerarka, wareegtooyinka iyo amarrada lagama maarmaanka u ah meel marinta diiwaangelinta.

Qoddobka 4aad

Aasaaska Guddi-hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka

Guddi-hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka (Task Force) oo ka kooban:

1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye.

2. Maareeyaha ICT Commission, xubin.

3.  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, xubin.

4.  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul-wanaaga, xubin.

5.  Garyaqaanka Guud ee Qaranka, xubin.

6.   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, xubin.

7.  Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud, xubin.

Qoddobka 5aad

Ujeeddada Guddi-hawleedka

Ujeeddada Guddi-hawleedku waa meel-marinta siyaasadda iyo ka midhodhalinta qorshayaasha Guddida Hoggaaminta.

Qoddobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddi-hawleedka

Xilka iyo waajibaadka Guddi-hawleedku waa:

1. Fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha Guddida hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.

2.  Fulinta hawlmaalmeedka Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.

3. La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta habka ay u socoto Diiwaangelintu.

4. La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka caqabadaha farsamo ee soo foodsaari kara hawsha diiwaangelinta iyo soo jeedinta talooyinkooda la xidhiidha caqabadahaa.

Qoddobka 7aad

Xarunta Guddiyada

Labada Guddi waxay ku hawlgalayaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo udub-dhaxaad u ah hawsha diiwaangelinta.

Qodobka 8aad

Dhawridda Xilliga iyo Nidaamka

Guddiyada waxaa la farayaa in hawsha lagu qabto wakhtiga loo qorsheeyey, lana raaco Nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyadoo la dhawrayo hanaanka iyo habsami-u socodka shaqada,” ayuu madaxweyne Siilaanyo ku yidhi xeerka uu soo saaray maanta.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *