Muse Biixi cabdi iyo faysal1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay mustaqnalka hankiisa siyaasadeed iyo waxa ka jira warar lagu sheegay inuu lacag

 

dhawr milyan oo doollar ah la siiyey si uu uga tanaasulo murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbigiisa marka la gaadho waqtigeeda..

Qaar ka mid ah shabakadaha wararka internetka, ayaa dhawaan faafiyey war ay ku sheegeen in Guddoomiye Biixi lacag ku beddeshay hankiisa siyaasadeed ee murrashaxnimada jagada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, iyadoo la sheegay in cadadka lacagta uu kaga tanaasulay dhan tahay ilaa $4 milyan oo dollar.

 

Haseyeeshee, Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, ayaa jiritaanka arrintaas si adag u beeniyey, isagoo tilmaamay in aan la kala iibsan masuuliyadda qaranka, waxaannu xusay in aan shirweynaha xisbigiisa lagaga hadli doonin murrashaxnimada jagada madaxweynaha, balse waxa uu caddeeyey in marka xilligeeda la gaadho ay dad badan xaq u leeyihiin inay isu sharraxaan xilkaas.

“Horta kelmaddaas ah lacag baa la siiyey meesha kuma jirto. Xataa waxyaabo aan afka ku habboonayn ayaa jira. Qaddiyadda iyo masuuliyadda qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi, waanan arkayey qaar waxaasi (inuu lacag qaatay) qoray, wax laga jawaabana maaha oo waa arrin aad u qaab daran. Ta murrashaxnimada shirkan kuma jirto, waqtigeediinna ma joogno. Marka waqtiga murrashaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaaddaan is-sharraxaad. Markaa xilliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa murrashax ah iyo sidaynnu wax nidhaahnaa, laakiin hadalkaasi imminku waa wax iska macno-darro ah,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo u warramay SLNTV.

Guddoomiyaha KULMIYE oo la weydiiyey su’aal ahayd ‘Sow ma jiraan dad badan oo qaba hanka murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga? Waxa uu ku jawaabay; “Maxay u jiri waayeen, nin waliba xisbiga waxa uu u soo galaa inuu madax noqdee? Xaq bay u leeyihiin. Xisbiga waxa loo yimaaddaa in lagu tartamo oo madax lagu noqdo, qofkuna wuxuu u soo galayba inuu kursiga madaxtinimada ku gaadho, markaa dad badan baa hankaasi leh, dad badanna way is sharraxi doonaan, dad badan oo xisbiga ahna way u qalmaan oo xisbigu wuxuu leeyahay dad waawayn oo mudakar ah oo xilkaa wada qaban kara dhinacyo badan, laakiin xisbigu wuxuu leeyahay xeer iyo hab uu wax ku xalliyo, markaana xal uun baannu gaadhi doonana oo qof uun baa murrashax ka dhigi doonnaa aannu isku wada raacsanahay.”

Dhinaca kale, Md. Biixi waxa uu ka hadlay muddo-kordhinta suuqa la geliyey oo xisbiyada mucaaridka ahna maalmihii u dambeeyey cabasho ka muujiyeen, isagoo tibaaxay in saddexda xisbi qaran iyo Komishanku isla qaateen qorshe ah in doorashooyinku ku qabsoomaan xilligooda, balse waxa uu sheegay in aannu garanayn waxa hadda keenay muddo-kordhinta mucaaridku ka hadlaan.

“Waxa weeye in doorashada waqtigeedii lagu qabto, dedaalna waannu ugu jiraa. Waa kii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi, ‘saacad in la ii kordhiyo diyaar uma ihi.’ Annagu waxaannu ku soconnaa sida distoorku dhigayo in doorashooyinka la qabto marka shantii sanno dhammaadaan. Waannu ku dedaalaynaa, cid walbana inay ku dedaasho weeye, wixii awooddeenna ka baxsan (ee doorashooyinka dib-u-dhigi kara) dee Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaannu ka taaganay waa kaas.”

Waxa uu intaa ku ladhay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi si wadajir ah u saxeexeen in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda, “Saddexda xisbi qaran (KULMIYE, UCID iyo WADDANI) iyo Komishanka Doorashooyinku waxay si wadajir ah u saxeexeen in doorashada waqtigeedii lagu qabto, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray qolada innaga caawisa xagga doorashada (qaadhaan-bixiyeyaasha), xukuumaddana waa ka diyaar xaggeeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *