Hargeysa(Arraweelo News)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in labadiisa ku xigeen ee shirgudoonka  ay si siman u wada hogaaminayaan golaha, isla markaana

 

waxa uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey labada Guddoomiye-ku-xigeen oo sababay in mudanayaasha goluhu u kala jabaan laba garab oo iska soo horjeeda.

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda ugu waramay maanta qolka marida ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal, isagoo u dhoofay dalalka Yurub, waxa uu sheegay  in shirguddonka Golaha Wakiilladu ku soo noqon doono qaabkiisii hore ee uu u dhisnaa, maadaama la soo afjaray khilaafkoodii.

 

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay  in khilaafaadkii yaraa ee Golaha Wakiillada la soo af jaray,  arrintaasina ay ku dhamaatay is af garad, wixii la hadal hayey oo dhamina iska dhamaadeen,  shirgudodonka Golaha Wakiiladuna   uu sidiisii caadiga ahaa ku soo noqonayo, saaaxiibadayna (labada guddoomiye-ku-xigeen) hore waxay u ahaayeen garbahayga, hadana waxay yihiin garbahayga,   wax kasta oo awood ah oo aannu lahayna sidii ayaanu u wada leenahay, wixii aan anigu leeyahay iyaga ayaa leh, waxay iyagu leeyihiina annigaa leh, wax ka taagan oo baaqi ka ahina ma jiro,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Waxa kale oo Guddoomiye Cirro sheegay in khilaafka Golaha Wakiilladu culays xooggan ku ahaa qaranka Somaliland, isagoo xusay inay sidooda u aqaleen qoddobadii laga soo saaray khilaafkooda, culays weyna ka dulqaadeen Somaliland, waxaannu yidhi; “Golaha Guurtida Somaliland iyo shacbiga Somaliland waxaan mar labaad u sheegayaa in aannu go’aankaas qadadanay oo uu sidiisa ku fulayo, qarankan uu culays badan ka qaaday, taas oo ka mid noqon doonta guulaha uu qaranku gaadhay.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay madaarka ku sii sagootiyeen xubno ka tirsan shirguddoonka iyo mudanayaasha wakiillada, waxa uu sheegay in safarka uu u baxay yahay mid caadi ah oo la xidhiidha fasaxa goluhu galay, isagoo tilmaamay in muddada uu dalalka Yurub ku maqan yahay uu qaban doono wixii shaqo qaran ah ee la gudboonaata, isla markaana uu baarlamaanka dalalka uu booqdo iyo saaxiibbada Somaliland kala hadli doono qadiyada madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu isku shaandhayn ku sameeyey saraakiil xilal ka hayey xisbigiisa, isagoo magacaabay saddex Xog-haye iyo La-taliyaha Guddoomiyaha WADDANI ee arrimaha maalgashiga.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga WADDANI waxa loo magacaabay Mr. Mustafe Maxamuud Qodax, halka Xoghayaha Warshadaha loo dhiibay Mr. Cali Cabdillaahi Dagaal oo hore u ahaan jiray Xoghayaha Dhaqanka iyo Hiddaha, iyadoo xilka Xoghayaha Dhaqanka iyo Hidaha xisbiga WADDANI hadda loo magacaabay Mr. Cabdi Guuleed Gaboobe, iyadoo La-taliyaha Guddoomiyaha WADDANI ee arrimaha Maalgashiga loo magacaabay Mr. Axmed Cali Ubaxle oo hore u ahaan jiray Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbigaas.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *