Hargeysa (ANN) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Xukuumada Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland. Dr. Gaboose ayaa sidaa ka sheegay galabta shir jar’aaid oo uu

 

qabtay magaalada Hargeysa.
Wasiirku isagoo sharaxayaa sababta uu isku casilay waxa uu  sheegay inuu doonayo inuu ka qayb galo tartanka siyaasadeed ee ururada la furay. isagoo yidhi,  “ Waxaan doonayaa inaan ka sal gaadho hamigayga siyaasadeed. Warqadayda Iscasilaada waxaan u gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland intii aanu shiinaha u ambabixin waanu iga Aqbalay.”

Dr. Gaboose waxa uu diiday inay saxaafadu wax su’aalo ah oo la xidhiidha is casilaadiisa iyo dhinaca uu u jihayn doono siyaasdiisa weydiiso. laakiin wuxuu ku dhawaaqida  Is casilaadaa kusoo beegay xiligii uu  dalka kusoo laabtay Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku maqnaa.

Dr. Gaboose oo xiligii maamulkii Rayaale xabsiga loo taxaabay isaga iyo Eng. Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid. kadib markii ay ku dhawaaqeen urur siyaasadeed oo ay u bixiyeen Qaran, waxay sadexdooduba xilal ka qaateen xukuumadda Madaxweyne Siilaayo markii uu ku guulaysatay doorashadii 26 jun 2010. wuxuuna Gaboose mudadii sanadka ahayd ee uu xilka wasaaradda hayay ahaa wasiir dhaliilo badan loogu jeediyo xilkaa oo aan laga helin xafiiska, isla markaana ay saxaafada iyo bulshada kaleba ku adkaatay inay xafiiskiisa ka helaan, ama ay taleefan ku helaan,taas oo keentay inay qaybo badan oo Bulshada ahi u aqoonsadaan wasiirkii ugu kartida liitay ee soo mara wasaarada arrimaha gudaha marka laga reebo Qootaali oo xiligii xukuumaddii marxuum Cigaal mudo yar ahaa wasiirka arrimaha gudaha. laakiin D. Gaboose wuxuu weli u muuqdaa nin ku hanweyn inuu siyaasada kusii jiro, isla markaana sida uu horeba u sheegay hankiisa siyaasadeed ku jihaysan yahay  inuu hogaamiye qaran noqdo, balse waxay qaybo badan oo bulshada ka mid ahi is weydiinayaan sababta Dr. Gaboose oo mudadii yarayd ee xukuumadda Siilaanyo uu ka mid ahaa ay ugu baahday hawsha wasaaradda arrimaha gudaha oo uu u muuqday nin ku jaah wareeray ugu sii hanqal taagayo inuu hogaamiye noqdo.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar caalami ah oo ku takhasusay neerfayaasha iyo maskaxdda  waxay bulshadu ku qiimaysaa aqoontiisa xirfadeed, iyadoo ay xiligan mudadii uu xilka wasiirka arrimaha gudaha hayay  bukaan badani ku jaah wareereen baadi doonkiisa iyo sidii ay u heli lahaayeen, kuwaas iyo qaybo badan oo bulshada kale ah ayaan jeclayn inuu Dhakhtarku siyaasada sii dabaasho, balse uu kusoo laabto xirfadiisa shaqo ee dhakhtarnimo, waana sababta keenay inaanu dhanaka siyaasada taageero kaga helin bulshada.si kastaba ha ahaate Dr. Gaboose wuxuu si cad oo aan gabsho lahayn ugu jihaysan yahay sidii uu uga midha dhalin lahaa hankiisa siyaasadeed. laakiin weli waxa laga sugayaa inuu sharaxo wadada uu marayo iyo waxa u qorshaysan inuu Ururkii hore ee Qaran boodhka ka jafayo iyo inuu mid cusub furayo, ama mid kale ku wareegayo. waana su’aalahaa iyo kuwo kale oo badan kuwa looga baahnaa inuu ku sharaxo shirkiisa jaraa’id, balse weli hor yaala oo jawaabohooda laga sugayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *