Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo ayaa fadhi wada jir ah oo  deg deg ah isugu yeedhay Mudaneyaasha laba Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland maalinta Sabtida 14 January oo ku beegan sabtida, kaas oo ah fadhi aan caadi ahayn oo  ay mudanayaasha labada aqal ku

 

yeelanayaan xarunta Baarlamaanka.
Fadhigaa aan caadiga ahayn ee  uu mudanayaasha ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa la shaacin ujeedadiisa iyo arrimaha lagu soo qaadayo,  hase yeeshee qoraal kooban oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida oo aan lagu faah faahin waxyaabaha kulankaa lagaga hadli doono,  ayaa lagu shaaciyay oo keliya yeedhista mudanayaasha, iyadoo ay tibaaxo la xidhiidha ujeedada kulankaasi sheegayaan  inay suurta gal tahay in fadhigaa wada jirka ah la filayo inuu Madaxweynuhu ka hadlo xaaladda dalka gaar ahaan shirka Taleex iyo duruufo siyaasadeed oo hadheeyay waqtigan Somaliland.
Sidoo kale waxay tibaaxahani sheegayaan inuu madaxweyne Siilaanyo kusoo qaadayo qudbadiisa arrimo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada siyaasada waqtigan ee soo waajahday mandaqada iyo duruufaha iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somlailand mushkiladaha ka taagan mandaqada ee dhinacyada qadiyada Somaliland, arrimaha dhaqaallaha , nabadgelyada iyo amaanka guud.
Qoraalka wargelinta ah ee uu soo saaray Xoghayaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane, waxa uu u dhignaa sidan:- “Shir-guddoonka Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo Tixraacaya Warqadda Summadeedu tahay JSL/M/ShGW/081-856/01/2012, kuna taariikhaysan 12/01/201, Ujeedadeeduna tahay qabashada Kal-fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxa dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu war-gelinayaa inay ka soo xaadiraan Kal-fadhigaasi aan Caadiga ahayn oo ku qabsoomi doona Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland, Maalinta Sabtida oo ku beegan 14/01/2012 saacaduna tahay 9:00 Subaxnimo, haddii Eebe Idmo
Sidaasi darteed, waxa lagu adkaynayaa Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda ka soo qayb-galka Kal-fadhigan aan caadiga ahayn, wakhtigana dhowraan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka xoghayaha guud ee golaha ee lagu wargelinayo fadhigaa inay kasoo xaadiraan mudanayaasha labada gole ee Somaliland.
Dhinaca kale inkastoo ay caadiyan waajib dastuuri ah tahay in sanad walba madaxweynuhu isugu yeedho fadhi aan caadi ahayn laba gole oo uu qudbad uu kaga waramayo xaalada guud ee dalka iyo qorshaha siyaasada xukuumaddiisa kaga hadlo. Hadana yeedhista fadhiga aan caadiga ahayn ee waqtigan ayaa kusoo beegmay waqti sanadkan cusub 2012 ay somaliland soo waajaheen duruufo siyaasadeed  iyo kuwo nabadgelyo oo ruxuya mandaqada, iyadoo todobaadkan shir laga furay Taleex oo ah degmo ka tirsan Somlailand lagaga dhawaaqay maamul goboleed, balse shirkaa ayaa bur bur ku yimi ka hor intii aan mawqif midaysan  iyo go’aamo rasmi ah laga soo saarin. Kadib markii ay kooxo kala ujeedo ah oo shirkaa isugu yimi isku maandhaafeen dhawaaqa hordhaca ah ee maamul goboleedka lagaga dhawaaqay halkaa, taas oo keentay inuu gebi ahaanba burburo. Waxaana la filayaa inay qudbada madaxweyne Siilaanyo bartilmaameed u noqoto arrimahaa iyo kuwo kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *