ciidamada_alshabaabBaardheere(ANN)Maleeshiyada al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kusoo bandhigay  laba nin oo Kenyan ah oo ay sheegeen inay ka mid yihiin saraakiil Kenyan ah oo ay kasoo afduubeen deegaanka Gariley oo ka tirsan degmada Wajir ee dalka Kenya.
Hogaamiyaha  maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Geddo, Cabbaas Cabdullaahi oo la hadlay dadweyne  kasoo xaadiray goobtii lagu soo bandhigay labadaa nin ayaa sheegay in koox gaar ah oo ka tirsan maleeshiyadooda ay gudaha u galeen Kenya, isla markaana ay si nabdoon ku soo qafaasheen saraakiil Kenyan ah. Sarkaalkaa  ayaa ku hanjabay inay sidaa  oo kale ay qofkii ay doonaan kaga soo afduuban karaan gudaha Kenya.
Wararka  kale ee shebekada Araweelonews ka heshay deegaankaa ayaa sheegaya in salaaddii Jimcaha ee maanta  kaddib labada nin iyo nin kale oo Soomaali-Kenyan ah oo aan lagu soo bandhigin  isaga fagaaraha loo gudbiyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo ka mid ah deegaanada ay Al-shaabab ka taliso.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maalin ka hor weerar ku qaadday deegaanka lagu magcaabo Gariley oo 7 kmt u jirta xadka Kenya ay la wadaagto  Soomaaliya, taas oo ka  tirsan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari- Kenya, waxaana weerarkaasi ay ku dileen lix qof oo ay ku jireen saraakiil ciidanka Kenya, iyagoo afduubtay tiro kale oo ay  ku jireen saraakiil Kenyan ah.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada Dawlada taagta daran ee Somalia eek u sugan magaalada  Gedo ayaa sheegay in ciidamadooda joogaa deegaanka  Faafaxdhuun  oo ka tirsan geddo , kuwaas oo ay ku toogteen 5 qof oo ka tirsanaa kooxda al-Shabaab,. inkasta oo sarkaal ka tirsan ciidamada Somalia ee ku sugan halkaa ayaa ku dooday inay dadka ay toogteen ahaayeen koox Al-shabaab ah oo sida uu sheegay doonayay inay miino dhigaan halkaa,  basle warar kale ayaa sheegaya  inay dadka la toogtay ahaayeen dad shicib ah oo aan ahayn Al-shabaab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *