Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray

 

munaasibad lagu daah-furayay Baasaboor Cusub oo casri ah, kaas oo bedelaya Baasaboorkii hore ee Somaliland.

Xaflad lagu shaaciyay qaadashada Baasaaboorka cusub Cusub ee loo yaqaan E-Passport oo ka dhacday dhismaha xarunta Laanta Socdaalka Somaliland ee Hargeysa, wax aka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda iyo Masuuliyiinta Laanta socdaalka, waxaana loogu bushaareeyay muwaadiniinta Somaliland in wixii maanta ka danbeeya ay qaadanayaan Baasaboorkaa cusub oo ah nooc casri ah oo dunidu ku macaamisho.

Madaxweyne Siilaanyo , ayaa noqday Qofkii u horeeyey ee qaata Baasaaboorka cusub, isagoo ku amaanay dedaalka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo masuuliyiinta laanta socdaalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay xaflada, ayaa sharaxaad ka bixiyay noocyada uu ka kooban yahay Baasaboorka cusub oo sadex qaybood ah,  kaas oo sida uu sheegay u kala soocan muwaadiniinta caadiga ah iyo masuuliyiinta kale sida Dublamaasiyiinta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *