Ceergaabo(Araweelo News Network) Xiisad ka aloosantay xukun Guddoomiyha Maxkamadda Gobolka Sanaag ku riday Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Sanaag Col Xasan Ismaaciil Yuusuf (Gamaca-yare), ayaa saamayn

ku yeelatay saraakiisha Hay’addaha dawlada ee gobolka.

Xiisadaa oo ka dhalatay kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan sarajooga ku xukumay Taliyaha Qaybta Booliska Gamca-yare sanad iyo Lix bIlood oo xadhig ah, isagoo ku sugnaa Maxkamadda dhexdeeda xili ay ka socotay hoolka maxkamadda dacwad xaasaasi ah.

Hase yeeshee Taliyaha ayaa ku gacansaydhay xukunka Guddoomiyaha Maxkamadda, waxaana arrintaa ka dhashay xiisad laga cabsiqabo in ay saamayn ku yeelato saraakiisha Hay’addaha dawlada ee gobolka iyo xaalada amaanka, balse waxa arrintaa dhexgalay guddi ka kooban dhawr xubnood oo ka mid ah saraakiisha Hay’addaha dawlada, kuwaas oo doonaya in ay xal u helaan khilaafka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag iyo Taliyaha Qaybta Bpoliska.

Qoraalka xukunka ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan soo saaray, isla markaana uu kula saxeexnaa Kaaliyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Khadar Saleebaan Shire, oo lagu faahfaahiyey xukunka lagu riday Taliyaha qaybta gobolka Sanaag, ayaa u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag: Markuu arkay:- Taliyaha Qaybta (Booliska) gobolka Sanaag oo Maxkamadda gobolka Sanaag oo dhegaysanaysa Dacwad ciqaab ah oo summaddeedu tahay M/G/S/DC/36/2014 uu gacanta ula tegay Haweenay Uur leh oo la yidhaahdo Faysa Daba-Dacawo.

Markay aragtay:- In isagoo hubaysan oo sitayna Baaskoolad iyo Ul uu si jees-jees ah u dhex-lugeeyey Hoolka Maxkamadda gudeheeda, diidayna inuu baxo, soona jiidhay Ciidankii ilaalinayey Albaabka Maxkamadda gobolka Sanaag, una hoggaansami waayey, diidayna Qodobka 95/270, ee xeerka Ciqaabta guud.
Ka dib markii Taliyuhu Maxkamadda oo socota kaga dhawaaqay hadallo anshax-xumo ah oo lid ku ah, Shuruucda dalka una holladay inuu la dagaallamo Garsoorkii Dacwadda waday.
Xukunka Maxkamadda:
1- Maxkamadda gobolka Sanaag waxay ku Xukuntay Taliye-qaybeedka gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf 1 sannad iyo 6 bilood (Hal sano iyo lix bilood) oo xadhig ah.
2- Waxa la dabaqay qodobka 95. 270. 285. XCG (Xeerka Ciqaabta Guud).
3- Xukunkani waxa uu soo baxay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay (ahayd) 09/09/2014.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan, ayaa qoraal  uu shalay soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda waxa uu ku socodsiiyey Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland, isagoo ogeysiisna ku siiyey Xeer-ilaaliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolka Sanaag, Maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag iyo Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuuna qoraalkaa ku dalbaday in meelkasta oo uu joogo laga soo qabto oo laga soo xidho Taliyaha qaybta gobolka Booliska ee gobolka Sanaag Xukunsane Xasan Ismaaciil Yuusuf,”ayaa lagu yidhi qoraalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *