Baaki- Nigeria (Araweelo News Network) Dagaalyahanka Jihaadiga ee loo yaqaan Booko Xaraam, ayaa dhaawacay Lt Col Adeboye Obasanjo oo

 

uu dhalay Madaxweynihii hore ee Nigeria.

Milateriga Dalka Nigeria, ayaa xaqiijiyay in weeraro ciidamadoodu doonayeen in ay dib uga qabsadaan Kooxda Booko Xaraam deegaamo dhinaca woqooyi bari ee dalka ah, kuwaas oo kaga dhawaaqay nidaam Islaami ah.

Mr. Obasanjo, waxa la xaqiijiyay in dhaawac soo gaadhay oo lagu dawaynayo Cusbitaal.  Kadib weerar kooxda Booko Xaraam kaga yimi, waxayna Milaterigu xaqiijiyeen in weerarkaa ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar kale, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay Ciidanka Milateriga oo doonayay in ay dib u qabsadaan Magaalada dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ahmiyada weyn u leh ee Baaki,  taas oo dhawr magaalo oo kale.

Hawlgalo Milateriga Nigeria ka wadeen deegaankaa oo isugu jiray duqayn dhinaca cirka ah iyo weerar dhinaca dhulka ah oo ay ku qaadeen deegaamada ay qabsadeen Booko Xaraam, bayaa guuldaraystay, waxaana weli ka socda dagaal u dhexeeya Milateriga iyo Kooxdaa.

Islamaamiyiinta la baxay Booko Xaraam ee lagu magcaabo Mujaahidiinta Uhlusuna Lidacwatu Wal-jihaad oo taageero dhinaca tababarka ah ka hela Al-shabaab oo ka dagaalnta Somalia, isla markaana ka mid ah Ururada shebekada Al-Qaida ku xidhan ayaa dagaalo kula jira ciidanka Dawlada Nigeria.

Booko Xaraan, waxay hore falal afduubyo ah oo indhaha beesha caalamka soo jiitay iyo weeraro qaraxyo u badan uga fuliyeen dallka Nageria, balse waxay hada la wareegtay deegaamo mihiim ah, kuwaas oo ahmiyad Itiraatiiji ah u leh dagaalka ay kula jiraan dawlada Negeria.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *