Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa manta cafis u fidiyay Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir) oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ka qaybgalay shirkii lagu soo dhisay dawlada federaalka Somalia ee nayroobi

lagu yagleelay dhawr sanadood ka hor, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay.
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maanta  madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda, kaas oo  lagu sheegay in Madaxweynuhu cafis u fidiyay siyaasiga Sifir, ka dib markii sida la sheegay uu kasoo dalbaday xukuumadda Somaliland cafis, isla markaana caddeeyay inuu aaminsanyahay jiritaanka iyo qarinimada Somaliland,
 
War-saxaafadeedkaa ayaa  u qornaa sidan,
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Cafis ugu fidiyey Muwaadinka Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), ka dib markii uu Tix-geliyey Codsiga Muwaadinka oo Arjigiisa ku Cadeyey inuu yahay Muwaadan u hogaansan oo Aaminsan Qaran-nimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.
 
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi Sidan:-
 
Markaan Arkay:            Qodobka 90aad xubintiisa 5aad ee Dstuurka JSL.
 
Markaan La Tashaday:  Tallooyinka Masuuliyiinta ay Arrintani khusayso.
 
Markaan Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.
 
Waxaan Go’aansaday:-
 
In laga bilaabo taariikhda manta aan cafis gaar ahaaneed u fidiyo Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir). Oo Qaran-nimada Somaliland ka soo hor-jeeday in muddo ah.”
Mr. Sifir wuxu mudo sheer u shaqaynayay Qaramada midoobay, balse xiligii Somaliland lagaga dhawaaqay Xisbiyada wuxuu usoo jeestay inuu ka qaybgalo siyaasada, isagoo ka mid noqday saraakiisha xisbiga Kulmiye, laakiin markii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2003, natiijadeeda loogu dhawaaqay xisbiga UDUB, wuxuu kasoo jeestay Somalia, isagoo xiligaa ka qaybgalay dawladii ka dhalatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Nairobi, taas oo uu xilal kala duwan, sida raysal wasaare xigeen iyo wasiir kasoo qabtay.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *