Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Dublamaasi sare oo dhashay Britain, isla markaana ka mid Baarlamaanka Midawga Yurub  Dr. Charles Tannock oo ah Af-hayeenka u qaabilsan Miwadga Yurub

 

 

kooxda siyaasada arrimaha debeda oo u ololeeya sidii loo habayn lahaa siyaasada arrimaha debeda ee Yurub.
Sidoo kalena ka mid ah mudanayaasha iyo Dublamaasiyiinta u ololeeya inay mujtamaca aduunku aqoonsadaan  qadiyada Somaliland.
Kulnaka Dr. Charles iyo Madaxweynaha Somaliland iyo waxyaabaha ay kulankaa kaga wada hadleeen waxa lagu sheegay  qoraal kasoo baxay caawa xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse.

Qoraalkaa ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibeda ee Baarlamaanka Yurub, mudanahaa oo ka mid ah xildhibaanada yurub ee u Ololeeya qadiyadda Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu madaxweynaha uga waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu sheegay inay tahay mid ku xidhidhsan dedaalka uu u xaydan yahay ee ah sidii ay beesha caalamku ugu qanci lahayd jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay gacan uga siin lahayd dedaalka ay la timid iyo waxa ay qabsatay.

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu xog-waran mugleh ka dib madaxweynaha usheegay inuu dedaalkiisa halkaa ka sii wadayo ilaa inta uu ka midho dhalinayo aqoonsiga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mudanaha uga mahad celiyey dedaalkiisa midabsamida leh ee uu ku taageeray qadiyada Somaliland, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahad celiyey bookhashada uu mudanuhu ku yimid dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mudanaha xog-waran faah-faahsan ka siiyey qadiyada Somaliland, baahida ay u qabto aqoonsiga caalamka iyo waxa ay qabsatay ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Guud ahaan hanaanka dawladnimo ee dimu-quraadiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu ku qaabilay mudane Charles Tannock MEP waxa ku wehelinaayey oo goob-joog ka ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Dr. Sacad Cali Shire.”
Dhinaca Dr. Charles oo ah Dublamaasi hormood u ah kooxda  siyaasada arrimaha debeda  u qaabilsan midawga Yurub ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulan uu kula yeeshay xarunta Addis Ababa raysal wasaaraha Ethiopia  Males’ Zenawi  waxa uu kulankaa ka dib qoraal uu soo saaray ku sheegay inay Raysal wasaaraha Ethiopia ka wada hadleen sidii ay  hormood ugu noqon lahaayeen  inay mujtamaca aduunku aqoonsadaan Somaliland,  isagoo sheegay inuu ku qanciyay Males Zenawi  ahmiyada ay u leedahay dalkiisa in laga midha dhaliyo qadiyada madaxbanaanida Somaliland  oo uu sheegay inuu si siifacan  maanta aduunku ugu soo jeestay, isla markaana uu rajaynayo inay  mujtamaca  aduunku aqbalaaan.

 


Socdaalka xiligan ee Dr. Charles ku yimi Somaliland, isagoo maalmihii lasoo dhaafayna  kulankan oo kale Adis Ababa kula yeeshay  Raysal wasaare Males  ayaa la filyaa inuu xanbaarsan yahay fariimo dublamaasiyadeed  oo ku wajahan siyaasada geeska Afrika iyo istiraatiijiyad hor leh oo ay wadamada reer galbeedku ku waajahayaan, taas oo ay suurta gal tahay inay fursad  weyn oo dahab ah u noqoto qadiyada aqoonsiga Somaliland oo waqtugan u muuqda mid indhaha beesha caalamku usoo jeesteen.  Sida ay iftiiminayaan ishaarooyinka weedhaha dublamaasiyadeed ee kulnka uu la yeeshay Dr. Charles  Raysal wasaare Males. Kadib uu ka dhawaajiyay. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *