Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho lama filaana   ku tegey cusbitaalka guud ee caasimada Hargeysa waxaanu booqashadiisa ku indho indheeyay waadhadhka uu ka kooban yahay cisbitaalka guud  iyo dadka

bukaanka ah ee jiifa.
Madaxweynuhu wuxuu bukaanada waadhadhk jiifa ka dhegeystay  warbixino kooban oo la xidhiidha waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo sida ay u helaan adeegyo caafimaad,  wuxuuna  Illaahay uga barayay bukaanka cusbitaalka lagu daweeyo inuu shaafiyo oo caafimaad deg deg ah siiyo isagoo  yidhi,  “Waxaana inoo dhiman hawlo faro badan oo loo baahan yahay in qabto kuwaas oo maamulka cusbitraalku muujiyeen baahida loo qabo, haddii Alle yidhaa dedaal weyn ayaynu galaynaa in alaale iyo intii suurowda waanu la qabanaynaa, dadka bukaan jiifka ahna Illaahay waxaanu uga baryeynaa inuu caafimaad siiyo.”
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay aragtidiisa waxyaabihii uga soo baxay booqashada cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi, “Waxa ii muuqatay in dedaal aad u badan la sameeyay oo wax la qaban karayey loo qabtay dadka bukaan jiifka ah ee cusbitaalka yaala, wax badan oo cusbitalka lagu kordhiyeyna waan arkay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog)  oo ku weheliyay kormeerkaa Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga mahad celiyay socdaalka uu ku tegey  Cusbitaalka guud ee Hargeysa,  wuxuuna  tilmaamay inay Madaxweynaha ka codsadeen in laba askari oo tirsanaa ciidamada qaranka oo midna dhaawac soo gaadhay uu ku indho beelay, ka kalena loo iibiyo gaadhi uu ku socdo.
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay inay Madaxweynaha ka dalbadeen in laga kafaalo qaado kharashka ku baxa biyaha cusbitaalka guud isticmaalo, isla markaana ay wixii baahi ah ee jira warbixin ku siiyeen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *