saleebaan maxamuud aadan araweelonews network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa urur-siyaasadeed cusub oo ka qaybgala doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay

 

dabayaaqada sannadka 2011 ka dhacaan dalka.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo caddaynaya qorshihiisa ku waahan furashada urur-siyaasadeedka la sheegay inuu ku hawlan yahay, hasayeeshee sida ilo-wareedyo arrintaas u dhuun daloolaa Jamhuuriya u xaqiijiyeen, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), waxa uu ku hawlan yahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa urur-siyaasadeed ka qaybqaata doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, haddii la oggolaado furashada ururrada siyaasadda oo ay hadda talobixintooda ku guddo jiraan guddi 20 xubnood ah oo madaxweyne Siilaanyo u saaray ka talo-bixinta furashada ururrada siyaasadda.
Sidaana waxa lagu sheegay war lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya maanta, kaas oo lagu xusay in jamhuuriya marar kala duwan isku dayey inuu furashada urur-siyaasadeedka wax ka weydiiyo Guddoomiyaha Guurtida, balse  aanay u suurtogelin in aanu helo, mana cadda ilaa hadda in Md. Saleebaan Maxamuud Aadan furan doono urur-siyaasadeed magac cusub wata iyo inuu boodhka ka jafi doono ururkiisii ASAD ee lagu reebay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ay ka soo dhex baxeen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.
Warsaxaafdeed Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB Md. Cabdixaliim Maxamed Muuse Jimcihii toddobaadkan soo saaray ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu dhexda u xidhay sidii uu boodhka uga tumi lahaa ururkii ASAD isaga oo ka faa’iidaysaynaya fursad ay sheegeen in madaxweynuhu banneeyey.
“Oday Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo dhexda u soo xidhay inuu ka faa’iidaysto fursadda beesha ee uu banneeyey madaxweynuhu oo uu ururkii ASAD dib boodhka uga tumo, una arka inuu abaalna beesha u dhigtay,” sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ku naqdiyey furshadda ururadda siyaasadda.
Guddoomiyaha Golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ka mid ah siyaasiyiinta rug caddaaga ah ee reer Somaliland, ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn inuu ka dhur sugi doono natiijadda ka soo baxda Guddida madaxweynuhu u saaray inay ka soo talo-bixyaan furashadda ururadda iyo xilliga uu ku dhawaaqi doono urur-siyaasadeedka uu maagan yahay. Waxa kale oo aan la hubin inuu iska casili doono xilka Guddoomiyaha guurtida iyo in isaga oo xilkaa haya uuu wadan doono qorshihiisa kale ee siyaasadeed.
Waxa jira masuuliyiin iyo madax ay hormuud u yihiin Ururadda aan ilaa hadda la sharciyeyn ee Qaran iyo UDHIS oo taageersan furashadda ururrada siyaasadda, halka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID iyaguna ka soo horjeedaan in ururo cusub la furo xilligan oo dalku ku jiro duruufo qalafsan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *