Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filyaa inuu safar ugu baxo maalmaha soo socda dalka Kenya. Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo maanta
u kicitimay dalka Kenya.
Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta ka dhoofay madaarka Berbera, ayaa saxaafada u sheegay in ujeedada socdaalkiisa gogol xaadh u yahay wefti uu Hoggaamin doono Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maalmaha soo socda , isagoo xusay inuu madaxweynuhu martiqaad ka helay Raysal wasaaraha Kenya Railla Odinga.
Ma cada ujeedada safarka Madaxweynaha Somaliland iyo safarka gogol xaadhka ah ee Wasiirka madaxtooyada, balse wasiirka ayaa tibaaxay in Socdaalka Madaxweynaha ee Kenya uu qeyb ka yahay iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo mandaqadda Geeska Afrika, kaas oo sida uu sheegay ay Somaliland iyo Kenya ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, isla markaana ay Somaliland ay wadammadda gobolka ugala shaqayn lahayd dhinacyada nabadgelyadda iyo horumarkaba.
Raysal wasaaraha Kenya, ayaa hore ugu fidiyay Madaxweynaha Somaliland marti qaad rasmi ah. laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa dib uga dhacay safar uu hore ugu tegi lahaa Dalka Kenya, waxaana safarka waqtigan ee Kenya qayb ka yahay qorshe ay Somaliland dedaal ugu jirto inay xubin sharafeed ka noqoto Urur-goboleedka IGAD oo la xidhiidha dalab sanado baddan ay ku doonaysay sidii ay xubin uga noqon lahayd urur-goboleedkaa, kaas oo hada la aqbalay sida uu todobaadkii hore sheegay Wasiirka arrimaha debeda Somaliland.
Dhinaca kale socdaalka Wasiirku ayaa kusoo beegmay, iyadoo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefdi uu hoggaaminayaa ay booqasho ku joogaan dalka Djibouti, balse socdaalka Madaxweyne xigeenka oo lagu sheegay mid shaqo, ayaa wararka shebekadda Araweelonews ka heshay dhinaca dalka Djibouti sheegayaan inuu yahay mid la xidhiidho arrimo qoyskiisa ah, kaas oo Madaxweyne xigeenka Somaliland ku bixinayo gabadh uu Adeer u yahay oo qoyska Raysal Waasaraha Djibouti Dilayta Maxamed Dillayta oo casuumada u fidiyay ka dooneen gabdhaa, taas oo Aabeheed shuruud kaga dhigay inuu bixiyo Madaxweyne xigeenka Somaliland oo adeerkeed ah, isla makaana lagu bixinayo huteelka weyn ee kanbesi oo ku yaaAraweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.comla badda.