IMG_2043Hargeysa(ANN)Madexweynaha Somaliland Axmed  axamuud (Siilaanyo), ayaa galabta kusoo laabtay  Magaalada Hargeysa, kadib markii uu soo dhamaysatay socdaal uu shalay ku gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama oo

 

ay Madaxweynaha iyo wefdigiisu u hoydeen.

Booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lala xidhiidhiyay socdaal ujeedadiisu tahay kaanbayn ku wajahan  tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee Ururada iyo axsaabta oo la filayo inay dalka ka qabsoonto dhamaadka bishan, wuxuuna mudadii uu ku sugnaa Boorama kulamo la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka Awdal oo qaarkood tabashooyin dhinaca xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore marar badan u jeediyeen, balse si dhab ah looma oga natiijada kulamadaa iyo waxa ay ku danbeeyeen tabashooyinka la hordhigay Madaxweynaha mudadii uu ku sugnaa Boorama.

Hase yeeshee Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo maanta ka qaybgalay xaflad qalain jebin ah oo lagu qabtay Jaamacada Amoud University ayaa dhagaxa dhigey Jidka u dhexeeya magaalada ganacsiga ee  Tog-Wajaale iyo Tuulada Kalabeydh oo qiyaastii labaatan km ah. wuxuuna balanqaaday inay xukuumaddu wadadaa si deg deg ah u dhisayso, isagoo yidhi, “Wadadani waa  wado muhiimad weyn u leh dalkeena, Ganacsiga Gobolka Gabiley iyo Xidhiidhka inaga Ethiopia u dhexeeya,  waxaan rajeyneynaa in ay u dhamaan doonto insha allah sida ugu dhakhsaha badan wadadani waxey kobcineysaa Hurumarka dalkeena”Ayuu yidhi Madexweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay markii uu dhagax dhigay wadadaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada gebilay, waxa lagu soo gelbiyay Fardo, wuxuuna socod ku dhexmaray magaalada. kadib markii ay isaga iyo wefdigii la socday qadar daqiiqado ah ku hakadeen magaalada, wuxuuna galabnimadii kusoo laabtay qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa. iyadoo ay safarkaa ku weheliyeen koox ka mid ah golihiisa wasiirada, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo shaqsiyaad ka mid ah dadka ka ag dhow qasriga Madaxtooyada.

IMG_2014

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *