Hargeysa (ANN) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo  ka mid ah Ururadda Ku Tartamaya Doorashooyinka Golaha Deegaanka Somaliland ee loo qorsheeyay inay dalka ka dhacaan

 

dabayaaqadda Nov, 2012,  ayaa si kulal uga qayliyay dhibaatooyin xadgudub iyo xadhig uu sheegay in lagu hayo musharaxiinta Ururkiisa ee u taagan tartanka golayaasha deegaanka.
Dr. Gaboose waxa uu walaac ka muujiyay xuquuqda iyo xaqa uu Dastuurku damaanad qaaday ee musharixiinta lagu kacay xadhiga iyo cadaadiska, taas oo uu sheegay inay marar badan cabashadeeda u gudbiyeen gudida anshaxa iyo komishanka doorashooyinka qaranka, balse aanay waxba ka qaban karayn oo mushkiladii weli taagantahay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sidaa ku sheegay warbixin shaxaysan oo uu soo saaray maanta, isagoo ugu baaqay komishanka doorashooyinka iyo gudida anshaxa inay wax ka qabtaan mashaakilkaa. wuxuuna qoraalka warbaxinta ah ku yidhi, sidan:-

“Waxaana Warsaxaafadeedkaasi Uu U Dhignaa sidan Somaliland waxa ka socda tartankii  doorashada dawladaha  hose, sida caadada u ahaydna waxaan rajaynaynaa  inay inoogu dhamaato si nabad galyo ah, magac wanaagsana u soo jiida qaranka.

Waxa haboon in komishanka doorashooyinka qaranka iyo guddida anshaxu  ay hor tagaan wixii carqalad ku keeni kara habsami u socodka doorashada, xalna u raadiyaan wixii cabashooyin ah  ee soo gaadha.

Hadaanu nahay ururka Umadda  waxaanu dhawr jeer ula nimid madaxda komishanka qaranka iyo guddida anshaxaba cabashooyin soo noqnoqday oo la xidhiidha xadhiga musharaxiinta iyo masuuliyiinta ururka, inkasta oo aanu  ka mahad celinayno inaad wax nagala qabateen siidaynta qaar ka mida hadana waxa werwer iyo walaac nagu keenay xabsigii musharaxiintayada oo aan joogsanayn, si ula kac ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalkan loo beegsanayo ilaa maantana qaar ka mid ahi ay ku  jiraan xabsiga Burco.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa magacyada musharaxiinta iyo magaalooyinkii ay kala duwanaa ee lagu  xidhay .

 

L.R

Magaca

Lam.Codka

Degmada

Faahfaahin

1.

Mush.Maxamed Yuusuf Cabdale

113

Balli-Gubadle

2.

Mush.C/risaaq Faarax Xuseen

114

Burco

3.

Mush.Maxamed Jaamac Dubad

105

Hargeysa

4.

Gud.Jaamac Maxamed Cabdi

gudoomiye

Caynabo

Wuxuu xidhnaa 3cisho

5.

Mush. C/raxmaan Mire Gurxan

106

Caynabo

Wuxuu xidhnaa 5cisho

6.

Maxamed Ciise Ducaale

109

Burco

Waxa la xidhay 2 jeer

Waxaan kaloo halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada musharaxiinta kale oo na soo gaadhsiiyey in si joogtaa ah loogu  hayo cago juglayn iyo baqdin gelin xadhig.

Lr

Magaca

Lr Codka

Degmada

1.

Mush.Prof.Mustafe Maxamuud Daahir

110

Burco

2.

Mush.Maxamed Ibraahin Aadan

107

Buuhoodle

Musharaxiintaas oo midkiiba dhawr maalmood lagu soo hayey xabsiyada midkoodna laguma soo oogin danbu uu wakhtigas faraha kula jiray , ama dambi ka badan saex sanadood sida sharcigu qorayo, ee dhamaantood waxa loo aaneeyey eedo siyaasadeed oo ka danbaysa oo mu,aamaradaysan.

Waxay  arintaasi guud ahaan musharaxiinta ururka Umadda ku abuurtay walaac iyo walbahaar waxayna mudaday  xidhnaayeen lumiyeen hawl galadoodii ololahha iyo taageero abuurashadooda, waxaana meel lagaga dhacay shuruucda dalka,sharafta iyo xuquuqda musharaxiinta.

Sidaas awgeed waxaanu guddid anshaxa iyo masuuliyiinta komishanka si xushmad leh uga codsanayaa maadaama ay iyagu yihiin hay?adda ugu saraysa ee maamuusha habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, inay arintaas soo afjaraan iyakooo adeegsanaya awoodahooda sharci.

Waxaanan halkan idiinku  wergelinayaa inaanu  dhawr jeer taliyaha ciidanka police-ka ugu tagnay cabasho waxbase aanay nooga hir gelin inuu arintaas wax ka qabto.” ayuu yidhi Dr. Gaboose

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *