warancadeHargeysa(Araweelo News Netwok) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa  ka noqday dhawaaq hore uga soo baxay

maalintii doraad kadib markii uu golaha guurtada ka sheegay in ay Gudoomiyaha Banka dhexe ee Somaliland  ay isla garteen in lacagtii hore ee giinbaarta kasii socoto Ceergaabo. Kadib markii  xiisad  ka dhalatay lacagtaa.

 

Haseyeeshee dhawaaqa Wasiirka ayaa rajo geliyay dadka  kasoo horjeeday in lacagta Somaliland ka hirgasho magaalada Ceergaabo, wuxuuna hadalka wasiirku  ku abuuray dadweynaha magaalada Ceergaabo walaac hor leh. Kadib markii dadka horeba u diidanaa lacagta Somaliland ku doodeen in aanay waxba ka bedelayn mawqifkoodii, iyadoo arrintaasi saamayn ku yeelatay lacagta cashuuraha dawlada oo dadka qaar ku andacoodeen in ay ku bixinayaan lacagtii hore ee laga bedelay magaalada.

Sidoo dhawaaqa wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sababay in lacagtaa suuqyada magaalada Ceergaabo lagu arko mar kale, iyadoo hore xukuumaddu awaamiir uga soo saartay in cidii lagu arko iyadoo wax ku iibinay talaabo sharci ah laga qaadayo, taas oo sababtay rabshado iyo is hor imaad todobaadki hore ka dhacay magaalada Ceergaabo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade oo daba socda sida uu dhawaaqiisu wax uga bedelay xaalada iyo in qaybo ka mid ah bulshadu u si khaldan u fasiratay, ayaa maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in aan lagu isticmaali karin magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, lacag aan ahayn ta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay  in bandoodii laga qaaday magaaladda Ceerigaabo, taas oo sida uu xusay  soconaysa xilliyadda danbe ee habeenkii si aanay danbiilayaashu uga faa’iidaysan.
Wasiirka  Arrimaha Gudaha Cali Warancade oo ka hadlaya arrimahaa waxa uu yidhi, “Lacagta laga ogolayahay inay ka socoto gobolka Sanaag waa lacagta Somaliland, lacagtii giinbaarta ee dhaqaalihii gobolkaa naa faysay sidaa loo mamnuucay ayay mamnuuc u u tahay, cid danbe oo ku shaqaysan kartaa ma jirto. Markaa in sidaa ay u oggaadaan ayaan jeclaystay, in aan u baahiyo”.

Cali Warancde , waxa uu sheegay in loo fasirtay hadalkiisa markii golaha guurtidu wax ka weydiiyay arrintaa, isagoo yidhi,  “Waxa la yidhi wasiirku waxa uu yidhi mudadii ayaa la dheereeyay mudada aan ka hadlayay waxa ay ahayd in xawaaladleyaashu ay ka bedelan karaan baanka, laakiin habayaraatee lacag  lacag garab soconaysaa oo la qaadan karaa ma jirto. Lacagta qudha ee la ogol yahay waa lacagta Somaliland, waxaanan qabaa marka lacagtu ka hawl gasho gobolka in dadka dhaqaalahoodu uu dib u soo kici doono”. Ayuu yidhi.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya  arrinta bandowda Ceergaabo yidhi,  “Waxaan doonayaa in halkan idiinka sheego in bandoodii aanu ka qaadnay magaaladda Ceerigaabo ay ka sii shaqaynayso saacaddaha danbee ee habeenkii si aanu dambiiluhu uga faa’iidaysan”.ayuu  yidhi Warancade.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *