Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa baaq nabadeed u Jeediyay laba Ardaa oo xiisad dagaal oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba  ku dhexmaray  deegaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay aragtidiisa ku wajahan colaadaasi wuxuu yidhi “Odayaasha halkaa joogana waxaan ugu baaqayaa dhinac kasta ha ahaadeene in ay nabadgelyada iyo wada jirka ay dhowraan, arrintaana nabadgelyo lagu dhameeyo. Laakiin waxaan cadaynayaa ciidamadii qaranka ayaa gacanta ku haya, waxaanan dadwaynaha u sheegayaa in aan nabadgelyada ku tumashadeeda iyo baabiinteeda aan cidna laga ogolaanaynin.Waxaan ugu baaqayaa odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaas in ay walaalnimo iyo xilkasnimo ay muujiyaan, danta ayaa inoogu jirta, waynu aragnaa waxa xasilooni darro iyo nabadgelyo darro ay u gaysatay gobolo badan oo ka mida mandaqada, taana maanta uma taaghayno, markaa waxaan leeyahay wixii yimaada samir iyo adkaysi ha la isu yeesho arrintaana nabadgelyo ha loo yeesho.”
Dhinaca kale, waxa iska soo daba dhacaya baaqyo nabadeed oo madax dhaqameedyada iyo waxgaradka bulshada Somaliland u jeedinayso labadaa Ardaa ee walaalaha ah ee wada dega deegaanka dirirtu ka jirto.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *