Djibouti(ANN)“Walaalayaal marka laga hadlayo xaaladaha murugsan waxa jira Dal aan Jecelahay oo aan jaar nahay oo walaaleheen ah oo  labaatan sano ilmadu qubanaysay oo aan ka xanuunsanay oo mushkilada ka taagan, waxaan leenahay waar dagaal xal maaha, waxaan leenahay nagu filan

 labaatan sano oo Ilmada iyo Oohintu na qubanaysay.”  Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Djibouti. Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay xaalada Somalia iyo mushkilada daba dheeraatay ee ka taagan tahay.
Madaxweynaha Djibouti wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu maanta munaasibada Ciidal Odxa ka jeediyay Madaxtooyada Dalkiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxaha dagaalada ka wada Somalia inay dagaalka joojoyaan oo shacbiga labaatanka sannadood dhiiga iyo Ilamadu qubanaysay u naxaan, isagoo Ilaahay u baryay inuu masaabida ka dulqaado dadkaa Somalia oo uu sheegay inay u damqanayaan.
Mr. Ismaaciil Cumar Geelle mar uu ka hadlayay Somaliland waxa uu sheegay inay mudan tahay amaan iyo in lagu bogaadiyo waxa ay qabsadeen, isagoo yidhi, “Dalkan aynu jaarka nahay Shalay ayay ahayd markii jiiraankeena Somaliland ay muujiyeen bisaylka Dumuqraadiyadeed, waana wax lagu bogaadiyo oo lagu farxo doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday.” Ayuu yidhi.
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo Qasriga Madaxtooyada ku qabtay xaflad ciidda loogu talagalay, waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka Madaxtooyada ee la filayo inay ka qabsoomaan dalkiisa sannadka fooda inagu soo haya ee 2011, wuxuuna ugu baaqay axsaabta mucaaridka ee Djibouti inay ka qayb galaan doorashadaa. Madaxweyne Geelle  wuxuu  isagoo la hadlaya mucaaridka dalkiisa yidhi, “Looma baahna in la yidhaahdo haddii hebel sharaxn yahay waan qaadacaynaa doorashada, waxaasi caqli maaha, ragganimo maaha,   wax lagu hadlo maaha, wax la aqbali karona maaha. Dadkana waxay xaq u leeyihiin inay helaan dad dhawr ah oo ay kala dooran karaan, waxaan doonaynaa in la galo doorashada soo socota. Waana in Nin walba ku tala galaa dadkiisa,   Sabatoo ah maaha shisheeye, maaha  safaarado ee Nin walaba kartidiisa dadka ha la horyimaado. ”
Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu kalsoonaado shacbiga oo la hor yimaado, isagoo yidhi, “Qabiilo keliyi qof madaxweyne kama dhigi karto, maxaa yeelay dalka qabiilo keliyi ma laha, mana noqonayso ee dadkiina hor kaalaya,  mucaaridka waxaan ka leeyahay soo baxa  oo doorashada usoo baxa.”  Ayuu yidhi,  Madaxweyne  Geelle.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *