Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kusoo laabtay galabta Magaalada Hargeysa. Kadib socdaal laba maalmood ah oo uu ku joogay Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu maanta kasoo bixin magaalada xeebta ah ee Berbera, wuxuu kormeeray Haamaha Shidaalka ee Berbera iyo Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha, isagoo dhagax-dhigay waddo dhererkeedu yahay 1.40km oo loogu talogalay inay isticmaalaan Booyadaha shidaalka ka qaada Haamaha Berbera.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqday in aanu waxba kala socon xaaladda cakiran ee shidaal la’aanta labadii todobaad ee u danbeeyay ka taagnayd dalka, isla markaana aanay jirin Kaalin shidaal oo iibinay Litir Patrool ah, wuxuu amaan kula kufay maamulka Haammaha shidaalka ee Berbera, isagoo aan madaxweynuhu soo hadal qaadin arrintaas oo aanay Masuuliyiinta la socotay iyo kuwa Haammuhuna xusuusin xaalada shidaal la’aanta ee baahday.

“Aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee aad wadaan, halkaasna ka sii wada shaqadaas, waxaanan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idiin fududeeyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Maareeyaha cusub ee Haammaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali, oo  madaxweynaha warbixin ka siiyey, ayaan ku xusin xaalada shidaal la’aanta warbixintiisa, balse waxa uu ka sheekeeyay guulo aan waxba ka jirin oo amaan ah iyo mashaariic kala duwan oo sida uu sheegay laga hirgeliyey xarunta haamaha iyo dhaqaalaha ku baxaya fulinta mashaariicdaas oo u muuqda kuwa aan waxba ka duwanayn qaabka iyo farsamooyinka cusub ee lagu lunsado dakhliga iyo dhaqaalaha dalka.

Maareeyaha cusub ee Haammaha Shidaalka Berbera, wuxuu yidhi, “Madaxweyne, waxaannu halkan ku soo bandhigaynaa qalab ah daynabooyinka shidaalka ku tuura booyadaha, waxana ku baxday lacag dhan $240,000 doollar (laba boqol iyo afartan kun). Nasiib wanaag annaga oo muddo saddex bilood ah sugaynay ayuu qalabkan noo yimi, kuna soo beegmay safarkaaga.

Waxa kaloo madaxweyne aannu doonaynaa inaad noo dhagax-dhigto waddo laami ah oo aannu qandaraaskeeda bixinnay, kuna baxayso lacag dhan $116,000 doollar (boqol iyo lix iyo toban kun). Waxa kaloo socda dayactir aannu ku samaynaynno shan haamaha shidaalka ah, iyadoo aan beryahan wax dayactir ah lagu samayn haamaha shidaalka, waxana ku baxaysa lacag dhan $460,000 (afar boqol iyo lixdan kun) oo doollar,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

 

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay qorshe lagu ballaadhinayo xayndaabka dhismaha Haammaha shidaalka oo dhan ballaadhin 400 mitir, kaas oo sida uu xusay ay ku baxday lacag dhan $57,000 doollar (toddoba iyo konton kun) oo doollar.

“Madaxweyne, waxaannu rajaynaynaa in aannu rumaynno himiladaada aad ka lahayd Haamaha Shidaalka ee Berbera markii aad ka wareejisay shirkaddii TOTAL. Waxaannu rajaynaynaa in marka dambe ee aad noo timaado la kulmi doonto mid ka qurux badan muuqaalka maanta ee ka muuqda xarunta Haamaha Shidaalka,” ayuu yidhi Saleebaan oo aan soo hadal qaadin dhibaatooyinka ka taagan dhinaca shidaalka, balse u muuqday nin meelmarinaya guulo indhasarcaad ah iyo mashruuca wax soo iibinta iyo dhismaha oo ah qorshayaasha iyo farsamooyinka lagu qarsado lunsiga hantida ummada, balse aan xaqiiqdu ahayn waxqabad.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *