Djibouti(Araweelo News Network)Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka badbaaday toogasho. Kadib markii tacshiirado rasaas ah oo khasaare dhaliyay ka dheceen garoonka Diyaaradaha ee Djibouti.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Tacshiiradaha rasaasta ah uu furay mid ka mid ah Ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, xili ay dhabaha diyaaradaha oo mashquul ahaa ay kasoo degayeen Maadaxweynaha iyo wefdi uu watay, balse Madaxweyne Geele ayaa ka badbaaday, iyadoo si deg deg ah loo dhaafiyay garoonka wax yar ka hor intii aanay dhicin toogashadaa oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof oo ka mid ah saraakiisha amaanka.

 

Weerarkaa oo sida wararka hordhaca ah sheegayaan uu fuliyay qof aan la shaacin magaciisa, ayaan si cad loo ogayn inuu ahaa mid ku waajahan Madaxweynaha iyo in la doonay in lagu khaarajiyo saraakiil kale oo ka mid ah madaxda Djibouti, waxayna saraakiisha dhinaca amaanku sheegayaan in ay baadhayaan sababta dhalisay tacshiiradaha rasaasta ah iyo ujeedada askariga falkaa ku kacay.

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *