Djibouti(Araweelo News Network)wararka ka imanaya dalka Djibouti ayaa sheegaya in rasaas shalay ka dhacday dhabaha diyaaradaha Djibouti oo uu xiligaa ku sugnaa wefdi uu hogaamiyay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele

 

ay ahayd mid lala beegsaday Dr. Idiris Cabdi Galab oo ahaa Dhakhtarka khaaska ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana ku dhacay sadex xabadood, waxaana toogtay mid ka mid ah Ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Dr. Galab wuxuu u dhashay asal ahaan Somaliland, wuxuuna kasoo jeedaa Gobolka Awdal, balse wuxuu haystaa dhalasho Djiboutian ah, wuxuuna muddo 14 sanadood iyo saayid.
Dr. Idiris ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaal uu leeyahay Faransiisku oo ku yaal dalka Djibouti, waxaana laga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad.
Toogashada dhakhtarka oo shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Djibouti oo xiligaa uu ku sugnaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa wararkii hore uga soo baxay halkaa tilmaameen in toogashada loola jeeday Madaxweynaha oo uu goobta ka baxsaday, balse wararkaa ayaa noqday kuwoi aan waxba ka jirin, waxaana hadda soo baxday in ujeedada iyo qorshuhu ahaa sidii loo khaarajin lahaa Dhakhtarka Madaxweyna oo xidid la ah caayilada qoyska Madaxweynaha, waxayan Dr. Idiris waxa sodog u ah Taliyaha Ciidanka Qaranka Djibouti Gen. Zekeria.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *