somalimemo.net

Paris(ANN)Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay dhimashada sarkaal kaga dhaawacmay hawlgalkii ay ciiidamadooda Kamaandoostu ku qaadeen Degmada Buulo-Madheedh ee  Shabeelle ee Koomfurta Somalia. kadib hawlgal ay doonayeen inay kusoo furtaan

 

sarkaal ay Al-shabaab u haysatay afduub, balse ay dileen weerarkaa ka dib, isla markaana ay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamada Faransiiska ee hawlgalka weerarka qaaday.

somalimemo.net

Warbaahinta  Faransiiska ayaa sheegtay in ninka dhintay magaciisu ahaa  Captain “Patrice Rebout” , kaas oo sida ay sheegeen Faransiisku  ka mid ahaa Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska tan iyo 1996 xilligaas oo isagoo ka tirsan Ciidamada loo yaqaano “8RPIMa”  uu kasoo  shaqeeyay wadamo dhowr ah oo ay ka mid yahay dalka Gaaboon ee Qaarada Afrika.

Ninkan Captain Patrice Rebout iyo 50 kale oo Kumaandoos ah ayaa kasoo  qaaday weerarkaa  Markab Dagaal oo lagu Magacaabo “ Mistral”,   iyagoo la socda ldiyaaradaha  Hilikobterka ee  Faransiisku leeyihiin, kuwaas  oo  ah nooca   loo yaqaano Tiger, isla markaana ay weheliso diyaarad  uu Maraykanku leeyahay, kuwaas oo habeen saqdhexe weeraray Buula-madheedh.
hase yeeshee Guuxa Diyaaradaha ay dareen geliyeen Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab kadibna Dagaal culus dhulka kula Galeen Kumaandoosta Faransiiska sidaasna ay Gaaladii ku jabtay.

Hase yeeshee Sarkaalka Geeriyooday ee maanta magaciisa lasoo bandhigay ayay Faransiisku sheegeen in uu dhaawac halis ah soo gaadhay kadibna loola cararay  Markabkii uu markii hore kasoo degay si loogu daaweeyo, balse uu dhaawicii  soo gaadhay u geeriyooday.

Dhimashada sarkaalkan ee ciidamadii ka hawlgalay hawlgalkii la doonayay in lagu soo furto Alex ayaa ka dhigaya khasaaraha dhimashada askarta kamaandoosta faransiiska sadex askari, iyadoo ay Al-shabaab sheegeen inay ciidamada weerarka ahaa ee Faransiisku ka carareen sarkaalkii watay oo dhintay saacado ka dib, isla markaana ay dileen sarkaalkii  ay afduubka u haysteen ee kamaandoostu doonayeen inay kusoo furtaan hawlgalkaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

One thought on “Faransiiska Oo Shaaciyay Sarkaal Kaga Dhaawacmay Hawlgalkii Fashilmay Ee Buula-madheedh Oo Dhintay Iyo Qaabkii Uu Weerarku U Dhacay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *