Hargeysa(ANN)Ganacsadaha Carbeed ee u dhashay Dalka Sucuudiga Abu Yaasir, ayaa maanta socdaal rasmi ah ku yimi Somaliland kadib markii uu kasoo degay Madaarka Magaalada Hargeysa.waxaana  si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Somaliland

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Gudoomiyaha Shirkada Indha deero Mustafe Cabdi Cawad iyo Saraakiil ka tirsan Shirkada indha deero Group.
Ganacsadahan carbeed ee Abu Yaasir oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimi Somaliland,  waxaanu xusay in safarkiisu uu salka ku hayo sidii uu Xoolo gaadhaya (Laba Milyan oo Neef) uga qaadan lahaa Somaliland gaar ahaan inta u dhaxaysa Bisha barakaysan ee Ramadaanta illaa Ciida Carafo.
Ganacsade Abu Yaasir wuxuu intaas ku daray in wada shaqayn fiicani u dhaxayso shirkadiisa iyo shirkada indha deero Group.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maamulaha Shirkada Indha deero ee gobolka Maroodi jeex Aadan Yuusuf Cabdi, waxaanu u mahad celiyay ganacsadahan Carbeed oo dhaq dhaqaaq fiican ku soo kordhinaya suuqyada Somaliland ee xoolaha lagu kala iibsado,
Aadan Yuusuf oo ku hadlayay magaca shirkada Indha deero wuxuu xusay in ganacsadahani uu muddo laba todobaad ah joogi doona Somaliland.
Sida laga warqabo Shirkada Indha deero ayaa magaalada Berbera ka hirgalisay maxjar balaadhan oo lagu xanaaneeyo xoolaha ay Somaliland u iib geeyaan sayladaha ganacsi ee dalalka khaliijka carabta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *