Hargeysa(ANN) Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay, isla markaana fashilayay hawlgalo la doonayay in lala eegto munaasibada Ciida Udxa. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay qaar ka mid ah Saraakiisa Ciidabka Bilayska oo si weyn ula socday

 hawlgaladaa iyo dhaqdhaqaaqa lagu ogaaday kooxdaasi inay ku mashquulsan yihiin falal qaraxyo iyo waxyaabo la mid ah oo lagu khalkhalinayo nabadgelyada.
Kooxda la qabtay oo qaarkood laga  qabtay habeenkii Ciida ee Talaadada Magaalada Hargeysa, waxa ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan inay tiradoodu ahayd ilaa shan xubnood iyo sadex gaadhi oo ka mid ah gaadiidka ay isticmaalayeen. Balse warar kale ayaa sheegaya inay laba ka mid ah Kooxdaa oo iyagu baxsady habeenimadii Ciida la qabtay Khamiistii shalay. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u tibaaxeen warar ku dhow dhow saraakiisha amaanka, waxayna wararku intaa ku darayaan in kooxda la qabtay uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidsanka oo isagu aqoon u leh waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado.
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin kooxda la qabtay ee lala xidhiidhiyay inay wadeen shirqoolo ka dhan ah nabadgelyada, balse qaar ka mid ah saraakiisha Bilayska ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inuu socdo baadhitaan lagu wado kooxdaa la qabtay.  
Maaha markii ugu horaysay ee tan iyo markii ay xilka la wareegtay xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo la qabto kooxo doonayay inay fuliyaan hawlgalo la doonayo in waxyeelo loogu geysto nabadgelyada Somaliland, balse bilihii ina dhaafay ayay xukuumadu soo bandhigtay qalabka iyo aaladaha loo adeegsado waxyaabaha qaraxa oo laga qabtay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Berbera, isla markaana waxa meelo kala duwan lagu qabtay shaqsiyaad ka mid ah dadka la shaqeeya oo doonayay inay dalka soo geliyaan waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *