Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka. kadib markii ay soo dhamaysteen socdaal mudo sadex caanamaal qaatay oo ay ku tageen Djibouti.
Madaxweyne Siilaanyo waxa gegeda diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport si diiran ugu soo dheweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici, shirguddoonka labada gole, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne aad u tiro badan.
Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada, isagoo ka waramay socdaalkiisa, “Safarkaygii u horeeyay ee aan ku tegey Djibouti, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa oo si aad u qiimo badan oo la yaable oo aanan ilaabayn noogu soo dhoweeyay, waana mid aan uga mahadcelinayo Madaxweynaha Djibouti iyo shacbiga Reer Djibouti-ba.”
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay safarkaa inay madaxweyne Ismaaciil Cumar geele ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada dal iyo waliba sidii la iskaga kaashan lahaa in dhinacyada nabadglayada iyo waliba horumarka ay labada dal wax uga wada qabsan lahaayeen.
Madaxweynaha iyo waftigiisa, waxay boqolaal qof oo kam mid ah shabiga Magaalada Hargeysa oo dariiqyada tubnaa kusoo dhoweeyeen caleemo qoyan, kuwaas oo Madaxweynaha u gelbiyay gurigiisa, iyadoo ka sokow dadka shacibka ah ee jidad la taagnaa ceelamaha qoyan la arakayay ciidamada amaanka, kuwaas oo amaanka si weyn gacanta ugu hayay.
Qodobada heshiiska ay labada wasiir ee arimaha debedeed ee Somaliland iyo Djibouti soo saareen ee halkan ka akhriso
.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
+252 2 442 5380