Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta u amba-baxay dalka Jamhuuriyadda Djibouti. Socdaalka Madaxweyne

 Silaanyo ku tegay dalka Djibouti waxa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirdeh, Guddoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi iyo Afhayeenka Madaxweynaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweynaha ayaa intii aanu ka bixin madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa waxa uu salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka, waxaana madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda.
Safarka Madaxweynaha ayaan ujeedadiisa laga warqabin,  Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku egyahay oo keliya  dalka Djibouti, hadana waxa jira warar sheegaya inuu u dhaafi doono halkaa dalalka Ethiopia iyo Kenya, iyadoo ay  dalalka  Djibouti  iyo Ethiopia  horeba uga fidiyeen  martiqaad casuumad ah xiligii uu ku guulaystay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee uu xilka la wareegay oo ay munaasibadii xilwareejinta kasoo qaybgaleen wefdi culus oo ka yimi dalalkaa, kuwaas oo mid waliba dhiniciisa u keenay Madaxweynaha martiqaad.   Madaxweynuhu ka hor inta aanu ka dhoofin dalka wuxuu ka qaybgalay munaasibada sanad guuradii 17aad ee aasaaska ciidanka Bilayska Somaliland oo si weyn loogu xusay Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee safarka  Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka dibediisa ugu baxayo, ayaa noqonaya  kii  ugu horeeyay  ee uu dalka dibediisa ugu baxo tan iyo mudadii uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Daahir Rayaale ee uu doorashadii madaxtooyada kaga guulaystay 26, Jun 2010.
Dhinaca kale dawlada Djibouti ayaa cilaaqaadka siyaasadeed ee ay la leedahay Somaliland ahaa mid aan cago badan ku taagnayn, iyadoo xukuumadii tan ka horaysay ka heshay debecsanaan ay daneheeda oo keliya kaga fushato, taas oo ay xisbiga xukuumadda maanta ee Somaliland oo waqtigaa ahaa xisbiga ugu weyn mucaaridku si weyn u dhaliili jiray siyaasadaha ma dhalayska ah ee xukuumadii Rayaale kula dhaqanto Djibouti oo si weyn uga soo horjeeda qadiyada Somaliland, balse xiliyadii danbe markii ay soo dhowaatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland waxa jiray isbedel dhinaca siyaasada iyo xidhiidh dhexmaray xisbiga xaakimka maanta ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo iyo Djabouti, taas oo muujisay inay djaboiti u gogol xaadhayso isbedel ka dhaca Somaliland, isla markaana ay  diyaar u tahay inay la macaamisho xukuumadda cusub ee Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *