Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta u amba-baxay dalka Jamhuuriyadda Djibouti. Socdaalka Madaxweyne
Silaanyo ku tegay dalka Djibouti waxa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirdeh, Guddoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi iyo Afhayeenka Madaxweynaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweynaha ayaa intii aanu ka bixin madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa waxa uu salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka, waxaana madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda.
Safarka Madaxweynaha ayaan ujeedadiisa laga warqabin, Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku egyahay oo keliya dalka Djibouti, hadana waxa jira warar sheegaya inuu u dhaafi doono halkaa dalalka Ethiopia iyo Kenya, iyadoo ay dalalka Djibouti iyo Ethiopia horeba uga fidiyeen martiqaad casuumad ah xiligii uu ku guulaystay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee uu xilka la wareegay oo ay munaasibadii xilwareejinta kasoo qaybgaleen wefdi culus oo ka yimi dalalkaa, kuwaas oo mid waliba dhiniciisa u keenay Madaxweynaha martiqaad. Madaxweynuhu ka hor inta aanu ka dhoofin dalka wuxuu ka qaybgalay munaasibada sanad guuradii 17aad ee aasaaska ciidanka Bilayska Somaliland oo si weyn loogu xusay Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka dibediisa ugu baxayo, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu dalka dibediisa ugu baxo tan iyo mudadii uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Daahir Rayaale ee uu doorashadii madaxtooyada kaga guulaystay 26, Jun 2010.
Dhinaca kale dawlada Djibouti ayaa cilaaqaadka siyaasadeed ee ay la leedahay Somaliland ahaa mid aan cago badan ku taagnayn, iyadoo xukuumadii tan ka horaysay ka heshay debecsanaan ay daneheeda oo keliya kaga fushato, taas oo ay xisbiga xukuumadda maanta ee Somaliland oo waqtigaa ahaa xisbiga ugu weyn mucaaridku si weyn u dhaliili jiray siyaasadaha ma dhalayska ah ee xukuumadii Rayaale kula dhaqanto Djibouti oo si weyn uga soo horjeeda qadiyada Somaliland, balse xiliyadii danbe markii ay soo dhowaatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland waxa jiray isbedel dhinaca siyaasada iyo xidhiidh dhexmaray xisbiga xaakimka maanta ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo iyo Djabouti, taas oo muujisay inay djaboiti u gogol xaadhayso isbedel ka dhaca Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay inay la macaamisho xukuumadda cusub ee Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380