Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inaanay suurto gal ahayn in dadka qaar

ay iska jidaystaan inay sharciyadda dalka baal maraan, isagoo la hadlayay koox siyaasiyiin ah oo ku dhawaaqay golle la baxay golahha badbaadinta iyo wadatashiga, wuxuuna isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Suurto gal ma aha in dadka qaar jidaystaan inay mar walba la taagnaadaan aflagaado,been abuur iyo inay sharciga ku tuntaan xataa bishan Ramadaan. Maalmahanba waxaan saxaafadda kala soconay hadallo naxli xambaarsan , iyo hadallo xumaan xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayay.”

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadalkaa ka jeediyay furitaanka Idaacad si gaar ah u tebinaysa Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista ah, taas oo laga furay dhismaha Radio Hargeysa, wuxuuna yidhi,  “Hadalladaasi waxay iskugu jireen kuwo toos loogu tallo galay in lagu dhaawaco deganaanshaha dalka, xasiloonida dalka iyo kuwo shakhsi cay ah. Dabcan annagu masuuliyad qaran oo culus ayaanu haynaa inaanu u dul qaadano waa lagama maarmaan, hase yeeshee waxaan shacbiga u sheegayaa inaanaan cidna ka aqbalaynin in sharciga dalka lagu tunto oo cid kastaaba wixii ay doonto iska samayso.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay munaaisbada furitaanka Idaacaddaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay in idaacaddaasi ay bulshadda faa’iido balaadhan u leedahay, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay oo uu ugu horeeyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

 

Dhinaca Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde ayaa sharci darro ku tilmaamay Golaha  ay siyaasiyiinta mucaarid ahi kaga dhawaaqeen Hargeysa.

 

Wasiir Waran-cadde oo u waramayay saxaafadda, ayaa sheegay in hay’adda fulinta oo ah xukuumaddu ay u xilsaaran tahay arrimaha siyaasadda ee xiligaa taagan,  iyadoo dastuurka la raacayo , halka sidoo kalena uu Wasiirku u soo jeediyey xubnahaasi ay dawladda ula yimaadaan waxii talo ah ee ay hayaan si haddii ay sax tahayna looga qaato,  haddii ay wax ka dhiman yihiina loo nasteexeeyo oo khaladka laga qabto.

 

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in sheegashada gole aan dastuuri ahayn la sheegtaa ay meel ka dhac ku tahay shuruucda dalka iyo datuurka qaranka wasaarada waxay u xilsaaran tahay inay illaaaliso wax kasta oo ka horyimaada dastuurka shuruucda dalka si loo illaaiyo qaranimada iyo nabadgalyada bulshadeena ku dagan tahay”. ayuu ydhi Warancade.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-cadde, isagoo sharaxaya dhawaaqa golahaa, wuxuu yidhi,  “Gole waxaynu u naqaanaa gale dastuur jideeyay siyaasadana waxaynu u samaysanay axsaab markaa ninku isagoo xisbi leh ayaa loo baneeyay wixii uu doono ee talo ah ama fikirkiisa ah soo jeediyo, laakiin haday noqoto howlihii loo igmadey axsaabta ama goloyaasha qaranka ee sharciga ahaa wax kala jideynayay ay qolo kale la jeesto oo ka garab sameysanto wax imankarta fowdo iyo xasiloonodaro.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, wuxuuna ka codsaday guud ahaan shacabka Somaliland inay iska ilaaliyaan gal-daloolooyinka cadowgu ugu soo dhuumanayo nabadgelyadana adkaystaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *