Hargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare), ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga KULMIYE kasoo jeedaa iyagu Mucaarid isugu filan yihiin, isla markaana aan loo baahnayn in durba dabaylo mucaaridnimo lagu bilaabo, waxaanu ku baaqay in cagta loo dhigo, isaga oo la hadlayey dadka reer Awdal iyo xaafad Hargeysa ka mid ah oo magacaabistii Wasiirrada ka muddaharaaday.

 

Aadan Dhoollayare waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xilka ku wareejinayey Wasiirka cusub ee Caddaaladda Ismaaciil Muumin Aare oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, wuxuuna hadalkiisu daba socday muddaharaaddo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.
“Dadka reer Awdal waxaan leeyahay Koobkii madaxnimadu Awdal buu yaallaa, waayo? Awdal ayuu u dhashay madaxweynihii talada wareejiyey Daahir Rayaale Kaahin, markaa waxa loo arkayey inay Awdal Gobollada kale oo dhan ka horreeyaan, reer Somaliland oo dhan baad madax u ahaydeen, Somaliland oo dhan baa idin soo higsanaysa ee waxaan idin leeyahay waxaas oo wanaag ah maanta ha iska xumaynina.” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Dhoollayare.
Waxaanu  isagoo ka hadlaya xukuumada cusub yidhi, “Waxaan soo jeedinayaa waar Mucaaridnimo yaanay qaranka innaga dumin, KULMIYE Mucaarid isagaa isugu filan. Markaa, Xukuumaddu waa inaanay habran ee ay gacan bir ah wax ku qabtaan, waayo? sannadka ugu dambeeya ayay Xukuumaduhu habradaan oo ay yidhaahdaan aad cod heshaan, markaa fursad aad dalka ku dhisi kartaan, magacna ku kasban kartaan ayaad haysataan ee fursaddaas ka faa’idaysta baan leeyahay Xukuumadda cusub, dadkana waxaan leeyahay waar cagta u dhiga oo la shaqeeya xukuumadda cusub….”
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Ismaaciil Muumin Aare , ayaa munaasibadda uu xilka kula wareegay hadal uu ka jeediyey ugu mahadnaqay Wasiirkii hore, isla markaana waxa uu dhiniciisa sheegay inay ogol yihiin mucaaridnimada, hase ahaatee, aanay haboonayn in mucaaridnimada lagu dabakho qarannimada oo la wiiqo, waxaanu Wasiirka cusub ee caddaaladdu intaa ku ladhay inay iyagu muxaafid noqdeen, Xisbiga UDUB-na mucaarid noqday, oo uu ku jiro maalmihii ugu horeeyey, isagoo  yidhi; “UDUB waxa uu maanta noqday Xisbi mucaarid ah, laakiin durba barashadii mucaaridnimada  ayay bilaabeen, annaguna waannu u adkaysan doonnaa insha Allaah dabaylaha mucaaridka, oo muxaafid baannu noqonay..” ayuu yidhi Prof. Muumin Aare.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *