madaxweyne Silanyo iyo Muse Bixi1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa jawaabo ka bixiyay dareenkooda go’aamada golaha

 

guurtida Somaliland kasoo saareen khilaafka dhinacyada Xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha oo kasoo qaybgalay munaasibada maanta lagaga dhawaaqay qasriga Madaxtooyadda oo ahaa kuwo lagu soo afjarayo khilaafka sida weyn u ruxay xisbiga Kulmiye ayaa warbaahintu wax ka weydiiyeen sida ay u arkaan go’aamada ay madasha kaga dhawaaqeen Odayaasha Guurtida ee mudoda dhawrka maalmood ah ku dhexjiray sidii xal labada dhinacba ku qanacsan yihiin loogu soo afajari lahaa Khilaafkaa.
Maxaweyne Siilaanyo oo warbaahintu weydiisay dareenkiisa iyo inay aqbalaayaan go’aamada, wuxuu isagoo ka dareen celinaya yidhi, “Guurtidu waa Odayaashii dalka, horena waanu u siinay kalsooni, go’aamada ay soo saareena waanu ku qanacsanahay oo waanu qaadanay.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Muuse Biixi oo hogaaminayay dhinaca kale ee khilaafku u dhexeeyay oo la weydiiyay sida ay u arkaan go’aamada iyo inay ku qanacsan yihiin, waxa uu yidhi, “Marka aad Rag wax u dirato, kolay sidii aad jeclayd ma yeelayaan. Laakiin waan ku qancay oo waan qaatay, inkasta oo aanay waxba ii soo qaadin wixii aan sheegtay, balse danta guud iyo qaranimada ayaan ku ilaabayaa oo waan qaatay go’aamada ay soo saaren” ayuu yidhi Gudoomiye Muuse Biixi,
Munaasibadaa oo ay ka qaybgaleen Guurtida hawsha ku jirtay oo uu hogaaminayay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay Odayaashu ka hor intii aanay ku dhawaaqin qodobada ay kasoo saareen khilaafka ka jeediyeen madasha weedho dardaaran iyo gogol xaadh isugu jira,waxyna Madaxweynaha iyo Gudooomiyaha Xisbiga Kulmiye isku gacan qaadeen madasha markii lagu dhawaaqay go’aamada, iyadoo ay garabka Muuse Biixi weheliyeen Gudoomiye Xigeenka koowaad Maxamed Kaahin iyo Jaamac Shabeel.
Odayaasha ayaa usoo jeediyay in maanta wixii ka danbeeyay ay gamcaha is qabsadaan labada dhinac oo laga shaqeeyo sidii Xisbiga loo midayn lahaa, taas oo ay sheegeen in ay ku jirto danta qaranku.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *