attam1Mogadishu(Araweelo News Network) Hogaamiyihii Buuralayda Gal-gala ee Silsilada Golis Sheekh Maxamed Siciid Attam, oo ahaa Buundada, ama Briijka isku xidha Al=Qadia gasiirada Carabta iyo Geeska Afrika,

 

gaar ahaan Somalia ayaa isu dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib markii uu ka soo goostay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqaalka Sheekh Attan ku soo bandhigtay wasaaradda Warfaafinta ee Muqdisho, waxaana war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso go’aanka uu Attam kaga soo baxay ururka Al-Shabaab ee weerarada joogtada ah ku haya ciidamada AMISOM, Xarumaha Hay’addaha dawlada iyo masuuliyiinta Somalia.

Maxamed Siciid Atam ayaa isna dhinaciisa qoraal uu soo saaray ku sheegay in al-Shabaab uu kasoo baxay kadib markii uu oggaaday in ururka iyo hoggaankiisuba ay banneysteen dhiiga shacabka ee Muslimka ah, isla markaana Axmed Godane, madaxa al-Shabaab iyo ururkiisu ay ku hayaan shacabka Soomaaliya dhibaatom wuxuuna sheegay in wixii ka danbeeya xiligan uu fikirkiisa ku gudbin doono qaab nabadeed iyo isfaham.

Dhinaca Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa waraysi uu siiyay Idaacada VOA soo dhaweeyay in Sheekh Attam uu ka baxo al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu filayo in kuwa kale ee ku jira Al-Shabab ay iyaguna talaabo taasi la mid ah qaadi doonaan.

Al-Qaida faraceeda Somalia ka dagaanta ee Al-shabab iyo kuwa Gasiirada Carabta waxay  qorshaynayeen dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, welina ay qorshaynayaan inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee  gacanka cadmeed, halkaas oo ay rumaysan yihiin  inay hawlgalo ka dhan ah reer galbeedka si fudud uga fulin karaan iyo sidoo kale inay gabood ka dhigtaan Buuralayda silsilada Woqooyi Bari Somalia  ee Puntland oo  kulaalaya bada Cas.

Hogaamiyaha Buuraleyda Gal-gala Sh. Maxamed Siciid Atta oo dagaal kula jiray maamul goboleedka Puntland ee Somalia, wuxuu dhufays ka dhigtay Sil-silada Buuralayda Gal-gala, halkaas oo uu weeraro badan oo naafeeyay, ama khasaare uu ku gaadhsiiyay maamulkaa kaga qaaday, wuxuuna Attam oo ahaa hoggaamiyaha dagaalka Gal-gala ku biiray Al-Shabaab sannadkii 2010-kii.  

Attam wuxuu mar ahaa Hogaamiyaha xidhiidhiyaha Al-Qaida  ee Bariga Afrika iyo Gasiirada Carabta, wuxuuna ka hor intii aanu cadaysan inuu ku biiray Al-shabaab ahaa Biriijka isku xidha Al-Qaida Yemen,ama Gasiirada Carabta iyo Somalia, isagoo sidoo kalena hubka iyo saanada u gudbin jiray kooxda Al-shabaab oo iyadu hore u shaacisay inay ku biirtay Ururweynaha Qaida.

Hogaamiyaha ayaa goosashada uu ka goostay Al-shabaab waxa uu ku sifeeyay hawlgalada ay ka fuliyaan Somalia oo uu ku tilmaamay kuwo diinta waafaqsayn, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay hogaanka Ururkaa Axmed Cabdi Godane, balse waxa jira tibaaxo la xidhiidha sababta uu xiligan isugu dhiibay Dawlada Somalia Maxamed Siciid Atta moo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dhinaca Jubooyinka ee koonfurta Somali in ay tahay cabsi soo waajahday markii uu khilaaf kala horyimi Amiirka Al-shabaab, taas oo sababtay inuu lafihiisa la baxsado oo isu dhiibo dawlada Somalia, isagoo ay soo waajahday cabsi uu ka cabsi qabay in la mariyo wadadii la mariyay hogaamiyayaal ay isaga dhowaayeen Ururka iyo hogaamiyihiisa, kuwaas oo dhegta dhiiga loo daray markay khilaaf kala hortageen hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Godane oo lagu tilmaamo nin si weyn looga baqo oo qoorta u dheereeya wixii ka horyimaada awaamiirta uu bixiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *