araweelonews

Hargeysa(Araweelo News Network)Ergada Golaha Guurtida ee mudooyinkan ku hawlanayd kholaafka Xisbiga Kulmiye ayaa soo saaray qodobo lagu soo afjaray khilaafkaa oo maanta lagaga dhawaaqay

 

munaasibad lagu qabtay Madaxtooyadda Somaliland oo ay goob joog ka ahaayeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyay ee Xisbiga Kulmiye.
Guurtida uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa go’aankooda oo ka kooban sadex qodob oo sal u ahaa go’aankoodu u dhignaayeen sidan:-

“Gudoomiyaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay go’aankii Golaha guurtida ee khilaafka Kulmiye. oo kala aha: Guddiga Golaha Guurtiddu ka dib Markii ay dhegaysteen: Dacwaddaha Labada dhinac, darseena Qoraaladdii ay u soo kala gudbiyeen;

Markii ay arkeen : Qoddobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Xarafkiisa H, Faqradiisa 1aad; Markii ay arkeen : Xeerka Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Xeer Lambar 14, Qoddobkiisa 25aad, Faqradihiisa 4aad & 5aad; Markii ay Arkeen Warqadda Sumadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna Taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Axsaabta Qaranka; Markii ay Arkeen Go’aankii Guddiga Turxaan-bixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka Xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, Qoddobadiisa 5aad
iyo 6aad ee ku Taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro Khilaafkan Cakiran ee hadheeyay Xisbiga Kulmiye si aanu u sababin Bur-bur iyo kala-qaybsanaan ku yimaadda Xisbiga Dhexdiisa Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaaya dhammaan Arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen Go’aamaddan: –

1. In Go’aanaddii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen Shir-guddoonkii Shir-weynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta, Isla markaana ay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda ayay Dhaqan-gal u yihiin.

2. Inkasta oo u Xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo Qof kasta oo Dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto Labadda Teeram Doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hase yeeshe in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Buuxisa Shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo Golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa. a. Waxa Reeban Shacaa’ir kasta oo muujinaya Astaan Musharax ama Doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka;

3. Wixi dad loo xidh-xidhay Arrimo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Kulmiye la sii daayo.” Ayaa lagu yidhi go’aanka kasoo baxay Odayaasha guurtida Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *