Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta daah-furay munaasibad bilaw u ah

qaadashada Kaadhka Muwaadinka ee Xeerkiisu weli horyaal golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo aan weli sharciyadiisa la meel marin.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 25/09/2014, iska diiwaangeliyay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Gobolka Marodi-jeex ee magaalada Hargeysa, waxayna talaabada Madaxweyne Siilaanyo fariin u tahay qaadashada Kaadhka Muwaadinka ee xukuumaddu sida weyn u danaynaysay.

Koox ka mid ah xubnaha golihiisa Wasiiradda oo ku weheliyay ka qaybgalka munaasibadaa ayaa sidoo kale qaatay Khaadka Muwaadinka, waxaana Masuuliyiinta uu Madaxweyne Siilaanyo hormoodka u ahaa ee qaatay Kaadhadhka la mariyay shuruudaha ku tilmaaman xeerka qabya qoraalka ah ee Muwaadinka iyo Diiwaangelinta ee weli horyaal golaha Wakiiladda, kaas oo axsaabta mucaaradku dhowaan qaadaceen, balse heshiish laga gaadhay mabda’iyan qodobada laysku khilaafsanaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *