New York(Araweelo News Network)Golaha Qaramada Midoobay, ayaa shir aan caadi ahayn ka yeeshay xaalada Somalia. Shirkaa oo xalay ka dhacay xarunta

 

Qaramada Midoobay ee New York, waxa wadajir u gudoominayay Xoghayaha guud QM  Ban ki-Moon, guddoomiyaha guddiga Midowga Africa iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu maamuusay shirkaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh,  ayaa shirka ka sheegay guulo iyo waxyaabo uu sheegay in ay u qabsoomeen dowladdiisa, wuxuuna xusay in siyaasada dowladdiisu ku dhisan tahay wadatashi si dadka oo dhan looga qeybgaliyo talaabooyikna ay aayahooda ku go’aaminayaan.

Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki-Moon, ayaa u riyaaqay guulaha uu sheegtay in ay Xukuumadiisu gaadhay ee dhinaca Siyaasada, wuxuuna sheegay in ay lagama maarman tahay in Somalia sanadka 2016 marka la gaadho ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah iyo nidaamka dhabta ah ee dumuqraadiyada.

Hase yeeshee Dlamini-Zuma oo ah haweenayda Guddomiyaha guddiga midowga Africa ayaa shirka ka sheegtay in midowga Africa uu baadhayo eedaha ciidamada AMISOM loo jeediyay ee ku waajahan tacadiyo la xidhiidha kufsi ay ka geysteen gudaha Somalia, taas oo ay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch.

Shirka waxa kale oo ka hadlay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mr. Key iyo Dublamaasiyiin kale, waxaana mudadii doodaha shirku socdeen debeda looga saaray warbaahinta, iyadoo masuuliyiinta ka qaybgalay sheegeen in laysla qaatay in Dalka Denmark lagu qabto November 2014, kulan caalami ah oo lagaga hadlayo sidii Somalia cageheeda isugu taagi lahayd, waxaana la filayaa in go’aamo iyo qaraaro ku waajahan Somalia laga soo saaro shirkaa geba gebadiisa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *