Hargeysa(Araweelo News Network)Ergayga gaarka ah ee dalka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo wefti uu hoggaaminayo

 

oo safar shaqo ku yimi Hargeysa, isla markaana kulan albaabada loo xidhay kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland madaxweyne Siilaanyo iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda, ayaa si cad u sheegay in aanay dawladdiisu u aqoonsanayn Somaliland dal madaxbannaan, laakiin ay aqoonsan tahay dal keliya oo Soomaaliya ah, isagoo tibaaxay in mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya ku jiro gacmaha dadka Soomaalida.

“Waxaannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu idiinka caawin karno xagga farsamada wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya. Haddii aan anigu ergay ahaan  iska hadlo dawladda Norway waxay aaminsan tahay inay jirto Soomaaliya qudha, balse mustaqbalka waxay noqonayso idinka ayey idinku xidhan tahay, waxana loo baahan yahay in arrimahan si waaqici ah loo eego, laguna saleeyey mabaadii’da siyaasadeed. Waxa dawladda Norway idinka caawin doontaa, door muhiim ahna ka qaadan kartaa inay idinka caawinayaan in la horumariyo deganaanshaha siyaasadda iyo in wadahadalladaas hore u socdaan. Waxa kaloo aannu Somaliland idinka caawin karnaa dhisida xagga awoodda khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta khayraadkaas.

Wadahadalkaasna waannu sii wadi doonaa, waxa aannu sidoo kale xidhiidh fiican la leenahay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanna jira arrimo badan oo muhiim ah oo aannu kala hadli doono oo aan shir saxaafadeed lagu sheegayn, balse lagaga hadli doono xasiloonida mandaqada iyo Afrika,” ayuu yidhi Ergayga ka socday dalka Norway Ambassador Jens Mjaugel.

“Waa inaan ka taxadirnaa waxaan odhanayo, sababtoo ah waxa jira dad badan oo Somaliland ah oo ku dhaqan Norway, waana in aan ogaado in aan halkaa ku waayayo qoysas, kuwaasoo markaan noqdo i weydiinaya su’aalo badan’ sidaa waxa yidhi Mr. Jens Mjaugel.

Waxa uu sheegay in ay Somaliland u yimaadeen sidii ay Xukuumadda Somaliland ula  falanqayn lahaayeen in laga caawiyo dhinaca horumarka, isla markaana ay u noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika, isagoo yidhi, “ Maantana dhammaan Soomaaliya waa dal aad u faqiir ah, balse waxaad ku fadhidaan khayraad aad u badan sida badda oo kale, waxaanad haysataan fursado aad u badan oo xagga jiilasha mustaqbalka ah, haddii aydaan helin qaddiyadda siyaasadeed si aad arrimahan uga faa’iidaysaan, sidoo kalena mustaqbalkana faqiirnimadaad ku sii negaanaysaan, waana arrimo aad u halis ah.” Ayuu yidhi Mr. Jens Mjaugel oo ah wakiilka khaaska ah ee Dawlada Noway u qaabilsan Somalia iyo Somaliland.

Dhinaca kale  Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo kulankaa ka dib ay saxaafadda wadajir ula wada hadleen isaga ergayga Norway ayaa ka hadlat ujeedada kulanka, wuxuuna Maxamed Biixi Yoonis, sheegay in ay in dawladda Norway ka caawin doonto wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, khayraadka dabiiciga ah sida kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka.

“Waxa farxad weyn noo ah in aannu ku soo dhawaynno qasriga madaxtooyada ergaygii qaabilsana Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Norway, horena wuu u yimi dalka oo sannadkii 2007 ayaa ugu dambaysay. Ergayga iyo annagu waxaannu ka wadahadalnay dawladda Norway oo aannu cilaaqaad weyn la leenahay sidii aannu cilaqaadkayaga iyo horumarkaa u kobcin lahayn iyo sidii aannu u wada shaqayn lahayn” ayuu yidhi Biixi Yoonis.

Hase yeeshee waxa jira xoggo iyo tibaaxo laga helay ila wareedyo dublamaasiyadeed oo sheegaya in Socdaalka Ergayga Khaaska ah ee Norway iyo waxyaabaha uu kala hadlay xukuumadda Somaliland la xidhiidheen khilaafka ka aloosan heshiishyada shidaalka ee xukuumadda Somaliland la gashay shirkado shisheeye oo kala duwan, kuwaas oo dhexdooda uu ka taagan yahay muran la xidhiidha goobaha loo qoondeeyay ee heshiishka lagula galay iyo weliba dawlada Somalia iyo shirkado hore dawladii Siyaad Bare siisay goobahaa oo dhinacooda ka wada dacwado la xidhiidha arrimahaa.

Mr. Jens Mjaugel oo ah wakiilka khaaska ah ee Dawlada Noway u qaabilsan Somalia iyo Somaliland, waxa uu laftiisu kulankaa albaabada loo xidhay ee uu la yeeshay Madaxda Somaliland ka dib tibaaxay in ay jiraan arrimo aan kulanka saxaafadeedka lagu sheegayn oo ay ka wada hadleen labada dhinac, kuwaas oo aanay labada dhinac midna saxaafada lasoo hadal qaadin.

Madaxweyne Siilaanyo waxana kulankaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, balse Kulanka Wefdiga Norway la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, waxa aan ka xaadirin wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, iyadoo ka maqnaanshihiisa kulankaa  oo lagaga hadlayay arrimaha shidaalka iyo Khayraadka dalka ay ka dhasheen Su’aalo abuurayo dareen ku gedaaman mudooyinkan danbe Wasiirka Macdanta oo la xidhiidha khialaf si weyn u hadheeyay arrimaha heshiishyada Shidaalka oo weli ku socda wadada qaloocan ee uu hore u qaaday, taas oo sababtay in in masuuliyiinta xukuumaddu ku kala qaybsamaan arrimahaa oo bulshada iyo deegaamada loo asteeyay in ay shirkaduhu ka hawlgalaan si weyn uga biyo diidsan yihiin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *