Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay saaka xafiiskiisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaalida Augustina Mahinga, kaaso oo booqasho ku yimi shalay Somaliland. Kulankaa oo saacado baddan qaatay ayaa la ogayn

waxyaabaha laga hadlay, iyadoo aanay saxaafadu goob joog ka ahay, balse kulankaa ka dib qoraal saxaafada loogu talo galay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Mahinga kulankooda kaga wadahadleen shirka la filayo in horaanta bisha June ee sanadkan lagu qabto dalka Turkiga, kaas oo Mahinga sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay Somaliland.
Sidoo kulankaa ayaa lagaga hadlay sida lagu sheegay qoraalka saxaafada loo qaybiyay arrimaha doorashooyinka golayaasha deegaanka somaliland iyo arrimo kale.
Qoraalka xafiiska Madaxweynaha kasoo baxay oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wakiilka gaarka    ah  ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Mr, Augustine Mahiga oo booqasho laba meelmood ah ku yimid dalka.
Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland  waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.
Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gudbeen mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.
Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika.

Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Mahinga uu Madaxweynaha Somaliland kala hadlay hakadka ku yimi wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo ay beesha caalamku danaynaysay. Kadib markii ay Somaliland ka cadhootay xubno dawladda Sh. Shariif kusoo dartay gudida ay dhinaceeda  kasoo magcawday oo kasoo jeeda deegaanka bariga somaliland, kuwaas sababay inay Somaliland hakiso qorshihii wadahadlada  oo la filayay inay dhinac ku kulmaan London, maalmaha soo socda.
Laakiin qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada laguma sheegin inay  Mahinga iyo Madaxweyne Siilaanyo isla meel dhigeenxal u helida arrintaa. Sidoo kale ma cada inay xukuumadda aqbashay inay ka qaybgasho shirka arrimaha Somalia ee ka dhacaya dalka Turkiga iyo in kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *