Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, isla markaan ah gudoomiyaha  Urur siyaasadeedka WADANI C/raxmaan  Maxamed Cabdillaahi (Cirro)  oo ka mid ah 6 Urur siyaasadeed oo ay maanta ku dhawaaqeen gudida diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta

 

qaranka Somaliland ayaa sheegay in qaabkii loola dhaqmay Gudoomiye xigeenkii Koowaad ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir ay ahayd mid aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo  dhaqanka Islaamka, isla markaana ay xadgudub ku ahady xuquuqda muwaadinka, maadaama aan eeddaha loo jeediyay loo siin fursad uu iskaga difaaco.
Guddoomiyuhu wuxuu soo dhoweeyay dhawaaqa gudida diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka,  wuxuuna  sidaa  ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa.
Gudoomiye Cirro   isagoo ka hadlaya arrinta muranka iyo sawaxanka weyn ka abuurtay saaxada siyaasada ee qaabkii xilka looga qaaday gudoomiye xigeenkii koowaad ee Kulmiye.  Kadib shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  15 April 2012, wuxuu  yidhi,  “Waxa kale oo fursadan uga faa’iidaysanayaa inaan kelmad kooban ka idhaahdo arrinta hadal-haynteedu badan tahay ee ku saabsan dhacdadii la xidhiidhay shirkiii Golaha Dhexe ee Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdilqaadir Faarax.
Waxaan rumaysanahay haddii aanu nahay urur-siyaasadeedka WADDANI in xisbi kasta,  ama urur siyaasadeed kastaa uu u madax bannaan yahay, mudan yahayna in lagu ixtiraamo xeerarkiisa iyo sida uu u anshax-marinayo madaxdiisa iyo xubnihiisa.
Hase yeeshee, wixii dibadda uga soo baxa xisbi,  ama urur siyaasi ah waxay saamayn ku leeyihiin bulshada,  waanay ka hadlaysaa dareenkeedana way ka bixinaysaa.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax waa siyaasi caan ah oo reer Somaliland ah, waxa uu ku leeyahay taariikhda halganka Somaliland magac iyo maamuus wanaagsan. Waxa uu ka mid ahaa xubnaha hogaanka xisbiga Kulmiye oo waxa uu lahaa maamuuska saaraakiisha qaranku leeyihiin. Xisbigu xaq buu u leeyahay inuu eedayn u soo jeediyo xubnihiisa.
laakiin sida shuruucda caalamka, dhaqankeenna iyo diinteenaba ku cad qofka,  ama muwaadinka la eedeeyey waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo fursad uu iskaga daafaco eedaha loo soo jeediyey. Fursadaa  lama siin Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax, taas oo xad-gudub ku ah xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka. Wixii kale ee hagardaamo ah ee soo gaadhay Cabdiraxmaan waanu ka xunahay. Ayuu yidhi.
Gudoomiyaha WADDANI C/raxmaan Ciro, wuxuu sheegay inuu  Cabdiraxmaan Cabdulqaadir ku booqday gurigiisa ka hor intaan la qaadin baadhis caafimaad oo dalka  UK ah, isagoo yidhi, “waxaan Illaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad sariic ah.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *