64Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa

 

maanta xadhiga ka jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddu dhisatay, taas oo laba sanadood iyo saayid  tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo ku Guulaystay doorashada 2010 ku jirtay  dhisme shicib oo kiro ah. 
1
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Mudane Cabdilaahi jaamac Cismaan Geel-jire oo ka hadlay furitaankii munaasibadii xadhiga lagaga jarayay dhismahan cusub ayaa sheegay in uu wax weyn ka tarayo dhismahani baahidii dhinaca xafiisyadda ee ay haysatay wasaaradaasi.
Wasiirku waxa uu ku ammaanay xukuumadda inay kharashka ku baxay dhismahan iyadu bixisay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga Maxamed cilmi Aadan (Ilkacase) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay bulshada Somaliland in uu ku simay fulinta ballanqaadkii xisbiga kulmiye ee ku aadanaa hagaajinta xaaladda farsamo iyo ta ka faa’iidaysi ee xeebaha Somaliland, isagoo tilmaamay in kalluumaysatada somaliland ay beryahan dambe hadal hayeen in kalluunkii uu xeebta ku soo dhowaaday taasoo ka turjumaysa go’aankii ay xukuumaddu ku baabi’isay heshiisyadii ay shirkadihii shisheeye kaga kalluumaysan jireen xeebaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dhismahani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumaddu ay ku doonayso inay lagu horumariyo xafiisyada ay dawladdu ku shaqeyso.

“Waxaan ku faraxsan nahay inaan furo dhismaha Wasaaradda Kaluumaysiga oo ah dhisme aad u qurux badan, waxaynu leenahay xeeb aad u dheer, haddii aynu horumarino waxaynu kari karnaa heer ah inaynu sida aynu xoolaha u dhoofin karo  oo kale ayaynu dhoofin karnaa Markaa waxaynu u baahan nahay inaynu ka shaqeyno oo aynu u soo jeedsano oo sida xoolaha loo dhaqo aynu u dhaqno kalluunka oo aynu cilmigiisa iyo aqoontiisa barano, kalluunka inaynu ka shaqeyno ha inoo ahaato siyaasad.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa  dhagax dhigay  maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo laga hirgalinayo degmada Axmed dhagax ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Kuwaas oo kala ahaa saddex Sariimadood, saldhig Boolis, Dugsi waxbarasho iyo masaajid, kuwaasi oo dhammaantood dawladda dhexe bixinayso kharashka ku baxaya.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *