Muqdisho(ANN) Saraakiisha howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhaweeyay maanta qaybtii ugu horreysay ciidammo ka socda dalka Sierra Leone ee

gaadha Muqdisho, kuwaas oo qayb ka noqonaya ciidamada AMISOM eek u sugan Somalia.

Qoraal kasoo baxay xafiiska AMISOM ayaa lagu sheegay  in Ciidamada Sierra Leone oo gaadhay Somalia ay hordhac u yihiin ciidamo ay hore ugu balanqaaday Dawlada Sierra Leone oo qaybtooda kale ay soo gaadhayso Muqdisho maalmaha soo socda, kuwaas oo ay  AMISOM sheegtay in lagu xoojinayo oo ay ka dhinac shaqeynayaan ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa soo dhaaweeyay ciidamadan hordhaca ah eek a socda Sierra Leone, isagoo sheegay in lagu midaynayo  ciidamada AMISOM oo wada qorshe ay horay u ballanqaadeen oo ah inay nabad kusoo celiyaan Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay inay qayb xoog leh ka qaadanayaan nabadeynta Koonfurta Soomaaliya.

Dalka Sierra Leone ayaa noqonaya dalkii shanaad oo ciidammo qayb ka ah AMISOM u soo dira gudaha Soomaaliya, iyadoo horay ciidammo u soo direen dalalka, Burundi, Djibouti, Uganda iyo Kenya, kuwaas oo dagaallo kula jira Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talisa, isla markaana u muuqatay mudooyinkan inay deegaamo hore ay uga baxeen dib u qabsadeen. kadib markii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen deegaamo ka tirsan halkaa.

Dhinaca kale Ciidamada ka socda Sierra Leone ayaa dadka qaar soo dhoweeyeen, kuwaas oo sheegay in aanay qayb ka noqonayn khilaafka ka taagaan deegaamada Kismaayo, maadaama aanay Sierra Leone   xuduud la wadaagin Somalia, balse waxa jira dadka qaar ku tilmaamay ciidamada kuwo qabsanay Somalia oo mustaqbalka dhibaato ku keenaya bulshada Sooomaalida, iyagoo ku dooday in ay saamayn ku yeelayaan dhaqanka bulshada iyo diinta, isla markaana ay horsed u noqon karaan dhibaatooyin dhinaca dhaqanka iyo caqiidada bulshada ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *