Muqdisho(ANN) Madaxweynaha  dowladda  taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo Ayaa galabta  si kedis ah uga dhoofay garoonka Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho. Kadib  markii maanta

 gelinkii hore uu is casilay raysal wasaarihii dawlada Somalia  Cumar C/rashiid Sharmaarke.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada muqdisho Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda Xarunta QM Ee New York, halkaas  oo uu ka dhacayo maalmaha soo socda  Kulan waynaha sanadkiiba mar  la qabto  ee ay yeeshaan hoggaamiyaasha caalamka.
Safarka Madaxweyne Shariif  waxa ku weheliya  Xubno Ka tirsan Golaha  Wasiirada Oo ay ka mid yihiin  Burci Maxamed Xamse, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo qorsheynta Mudane Mustafa  Shekh Cali (Dhuxulow). sidoo kale intii aanu galabta ka dhoofin muqdisho wuxuu  kusime Ra’iisul wasaare u magacaabay C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay u ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka ah wasiirkii gaadiidka Cirka iyo dhulka.
Xarunta  New York  waxa maalmahan ku sugnaa raysal wasaare ku xigeenka DKMG, Ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo khayraadka Badda C/raxmaan Xaaji Aadan (IBBI), Wasiirka Arrimaha Debedda yuusuf Xasan (Dheeg) Iyo wasiirka Maaliyadda Xusen Cabdi Xallane, kuwaas oo la filayo inay ku biiraan wefdiga Madaxweyne Shariif marka ay halkaa gaadhaan. Waxaana la filayaa inuu kulankaa ka jeediyo Sh. Shariif warbixin ku saabsan xaalada kala duwan ee ka jira Somalila iyo duruufaha qalafsan ee hadheeyay dawladiisa.  Madaxweyne Shariif ayaa maanta sheegay inuu maalmaha soo socda magcaabyo raysal wasaare soo dhisa dawlad, iyadoo is casilaada raysal wasaarihii hore ee saaka uu garab taagnaa markii uu iscasilayay, taas oo ay soo dhoweeyeen isaga iyo qaybo ka tirsan Baarlamaanka dawlada KMG ah.
Socdaalka Shariif ayaa kusoo beegmay saacado ka dib markii uu maanta gelinkii hore is casilay raysal wasaarihii dawlada Cumar C/rashiir, kaas oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf weyni u dhexeeyay isaga Madaxweyne Shariif. 
Hase yeeshee is casilaada raysal wasaaraha ayaa u muuqata mid aan waxba ka bedelayn xaalada jaahwareersan ee ka taagan Somalia iyo dagaalada ay kooxaha Islaamiyiinta Al-shabaab iyo xisbul Islaam kula jiraan dawlada taagta daran ee ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *