Sanca(ANN) Ciidamada Ilaalada Badda ee dalka Yamen ayaa gacanta ku dhigay Markab sitay Calanka Dalka Malta, kaas oo xeebta dalka yamen  ku daadiyay Caagag ay ku jirto sunta  qashinka wershedaha ee dareeraha ah. Sidaana waxa saxaafada u sheegay

 

Tiliyaha ciidamadda Ilaalada Xeebaha dalka Yamen, Cali Axmed Raaficin qacwa.
Markabkaa oo siday Badeecado wuxuu si  sharci ah ugu soo xidhtay Dekedda magaalada Cadan, isagoo halkaa ka shiraacday maalintii Jimcihii ee todobaadkan. Kadib markii laga dejiyay  badeecadii uu siday  ayaa usii jeeday dhinaca Gacanka cadmeed, balse  markii uu marayay meel  qiyaastii 30 mayl u jirta dakedda magaalada Caddan ayaa  Qoor Umayra  oo ka tirsan xeebta gobolka  ku daadiyay ilaa labaatan haamood oo loo malaynayo inuu ku jiro qashinka dareeraha ah ee Sunta, taas oo waxyeelo weyn u geysanaysa  Noolaha ku jira Biyaha Badda.
Ciidamadda Badda ee dalka yamen ayaa ku ogaaday aarintaa sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Illaada Xeebaha markii ay ku arkeen Raadaarka waxyaabaha uu daadinayo markabku, kuwaas oo gacanta kusoo dhigay Markabkaa, isla markaana dib ugu soo celiyay Dekedda Magaalada Caddan si baadhitaan loogu sameeyo, iyadoo durbadiiba kiiskaa loo gudbiyay Xeer Ilaalinta dalka yamen si loogu soo oogo denbi, isla markaana loo mariyo ciqaabta sharciga u yaala dalka Yemen.
Dawlada Yemen waxay sheegtay inay suurta gal tahay inuu markabku doonayay inuu qashinkaa ku daadiyo xeebaha  Badda Somalia oo aan lahayn illaalo, isla markaana inta badan lagu daadiyo qashin sidan oo kale ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *